Ugu yaraan laba qof ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay 15 kalena lagu dhaawacay weerar isugu jira is-miidaamin iyo rasaas oo shalay lagu qaady meel u dhow kaniisad Yahuudeed oo ku taalla magaalada Vienna ee dalka Austria.
Weerarka ayaa waxaa fuliyey dabley hubeysan, waxaana lagu warramayaa in la qabtay dhowr ka mid ah, halka qaar kalena la la’yahay oo weli lagu raad joogo. Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in mid ka mid ah uu isku qarxiyey dibedda kaniisadda.
Wargeyska ugu afka dheer Austria ee Kronen Zeitung, oo soo xiganaya wasiirka arrimaha gudaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Austria, Karl Nehammer ayaa ku sheegay dhacdadan mid argagixiso, islamarkaana sidoo kale lagu toogtay oo si xun loogu dhaawacay sarkaal boolis.
Illaa iyo hadda ma cadda haddii kaniisadda Yahuudda uu ahaa bartilmaameedka weerarka, ayada oo dhisme iyo maqaayad u dhow labaduba ay xirnaayeen markii weerarka uu dhacay
Sawirro naxdin leh oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dad goobta ka baxsanaya, ayaga oo dhaawac ah oo dhiigmaya.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Austria ayaa xaqiijiyey dhimashada hal qof oo kaliya iyo dhaawaca dhowr kale.
Idaacadda dowladda ee ORF ayaa goobjoogeyaal kasoo xigatay in toogashada ay billaabay abaare 7-dii habeennimo, laguna qaaday waddo hormarta kaniisadda Yahuudda.