WEERAR KU BILOWDAY QARAXYO OO LAGU QAADAY HAYAAT

war deg deg

 Warar hordhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerarka weli ka socda gudaha Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhow isgoyska KM 4, waxaana socda howlgallo lagu badbaadinayo dadka.

Taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor ayaa la xaqiijiyey inuu ka mid yahay saraakiil ay dhaawacyo ka soo gaareen weerarka, kaas oo la sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray lug.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal culus oo dadka lagu badbaadinayo uu ka socdo gudaha Hotelka, isla markaana ay ku dadaalayaan inay yareeyaan khatarta weerarkaan.

Ugu yaraan seddax qarax oo labo la xaqiijiyey inay kala ahaayeen gaari iyo nin kaligiis si toos ah isku qarxiyey ayaa Hotel Xayaat ka dhacday fiidkii hore ee caawa, waxaana intaas kadib gudaha u galay dagaalyahano hubeysan oo weli ka dagaalamaya gudaha Hotelka.

Bayaan kooban oo ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen Hotel Xayaat, kuwaas oo wada toogasho toos ah oo lagu beegsanayo masuuliyiin ka tirsan dowladda oo Hotelka ku sugnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here