Weerar lagu soo qaaday Ciidamada Somalia ee Beledxaawo iyo Soomaaliya oo Kenya ku eedaysay

kumaandoos gorgor

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Kenya weerar ay sheegtay in caawa lagu soo qaaday degmada Beledxaawo ee teedsan xuduudda labada dal ay wadaagaan, xilli dagaal culus uu ka socdo halkaas, kadib markii ay soo galeen ciidamada Cabdirashiid Janan.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheeegay in “jabhad ay soo hubeysay” Kenya ay soo weerartay ciidanka Soomaaliya ee ku sugan Beledxaawo, kuwaas oo weerarka iska caabiyey, sida qoraalka lagu sheegay.

“Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay cadaynaysaa in Jabhaddii fallaagada ahayd ee ay soo hubaysay Dowladda Kenya oo caawa u soo tallowday xuduudda Soomaaliya ayaa soo weerartay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si geesinimo leh ugu jilib dhigay duulaankaas sharci-darada ah ee shisheeyuhu soo abaabulay,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

“Waxaan si adag u cambaaraynaynaa duulaankaas gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha dalka Kenya kaas oo qilaafsan maslaxadda nabad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka iyo xeerarka caalamiga ah ee ku dhisan is xaq-dhawrka iyo ilaalinta madaxbaanaanida qaranimo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wararka aan ka heleyno Beledxaawo ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dagaal culus kadib markii halkaas ay saqdii dhexe ay duulaan ku soo qaadeen Ciidamada Cabdirashiid Janan.

Eedeynta culus ee caawa ka timid dowladda federaalka iyo weerarka Cabdirashiid Janan ayaa kasii dari doona xiisadda ka dhex-oogan labada dal, xilli ay toddobaadyadii dhowaa jireen wa-xoogaa isu soo dhowaasho ah.

Hoos ka aqriso qoraalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here