Weerar xalay ka dhacay magaalada Laascaanood

lasanod

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa sheegaya in xalay halkaas dabley hubaysan ka fulisay weerar khasaare gaystay.

Rasaas xooggan ayaa laga maqlay gudaha magaalada, kadib markii weerar lagu qaaday xarun ay ka socotay ololaha doorashada Somaliland.

Wararku waxay sheegayaan, in dad ku dhaawacmeen weerarka, inkastoo aysan weli faahfaahin ka bixin laamaha Amniga maamulka Somaliland.

Xarunta la weeraray ayaa lagu sheegay xafiiska ololaha doorashada ee murashax Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo u tartamaya xubin ka tirsan Baarlamanka Somaliland.

Booliiska Somaliland ayaa laga soo xigtay in ay baaritaan ku hayaan cidda ka dambaysa weerarkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here