Weerarki 11-kii September: Maxaa dhacay maalintaa iyo maalinta xigtay

twintowers

11-kii Spetember 2001-dii oo ay ku beegneyd maalin talaada ah kooxo ismiidaamiyey oo afduubtay diyaarado ragkaab oo Mareykanka laga lahaa ayaa ku dhuftay dhismayaal dhadheer oo dalkaasi ku yaallay waxayna ku dileen kumannan qof.

Weerarkaasi ayaa noqday kii ugu xumaa ee dhacay qarnigan, argagaxna ku abuuray shacabka Mareykanka iyo shucuubta caalamka intaba.

Bartilmaameedyadu maxay ahaayeen?

Afar diyaaradood oo bariga dalka Mareykankaku duulayey ayey hal mar wada afduubteen koox afduubtayaal ah.

Kaddibna diyaardihi waxay u adeegsadeen sidi gantaalki iyaga oo ku weeraray dhismayal bartilmaameed u ahaa oo ku yaallay magaaloyinka New York iyo Washington.

Laba diyaaradood waxaa lagu beegsaday dhismayaasha mataanaha ee New York oo xaruun u ahaa Hay’adda Ganacsiga Adduunka ee loo soo gaabiyo WTO.

Diyaaraddi koobaad waxay dhismahi ugu horreeyey ku dhacday saacadda maxalliga ee Mareykanka marki ay ahayd 08:46, halka diyaaradda labaadna dhismaha labaad lagu dhuftay saacadda markay ahayd 09:03.

Dhismayaashi diyaaradaha lagu dhufftay markiba dab ayaa qabsaday, dadki dhismayaasha sare ku jirayna waxay ku xannibmen dabaqyada sare, magaalada dhan qiiqa dhsiamayashaasi ka baxayey ayaa qariyey. Wax ka yar laba saacadood marki ay dhismayaashaasi gubanayeen waxaa gabi ahaanba soo dumay labada dhismo uu midkiba ka koobnaa 11o dabaq waxaana isqabsatay uurada burburka dhismayaashaasi ka dhashay.

Saacadda maxalligi marki ay ahayd 09:37 diyaaraddi seddexaad waxaa lagu dhuftay galbeedka dhismaha Pentagon oo ah xaruunta looga arrimiyo ciidamada Mareykanka oo ku taallo Washington DC.

Diyaaraddi Afaraad ee weerarkaasi loo adegsadayna saacaddu marki ay ahayd 10:03 waxay ku dhacday beer kiu taalla Pennsylvania kaddib marki ay rakaabki diyaaradda saarnaa ay la dagaallamen raggi diyaaradda ay u afduubneed. Waxaana la sheegay ragga diyaaradda afaraad ay u afduubneed iney doonayeen iney ku dhuftaan xaruunta baarlamaanka Mareykanka ee ku taallo magaalada Washington DC.

Dad ka cararaya dhismayaashi la weeraray 11-kii September 2011-ka.
Qoraalka sawirka,Shacabka dhismayasha burburay ka agdhawaa oo ka cararaya uurada burburka ka dhaatay

Imisa qof ayaa werarkaasi ku dhimatay?

Dadki weerarkaasi ku dhintay oo ahaa 2,977 (oo aan lagu darin 19 qof ee weerarkaasi geysatay), intooda badan waxay ku dhinteen magaalada New York.

  • Dhammaan 246 rakaab ee afartaasi diyaaradood saarnaa waa ay geeriyoodeen
  • Dhismaha Mataanaha ee New York waxaa ku dhintay 2,606 qof iyada oo dadkaasi qaarkood ay u dhinteen dhaawacyo weerarkaasi ka soo gaaray.
  • Pentagon waxaa ku dhintay 125 qof

Qofki ugu da’da yaraa ee weerarkaasi ku dhintay waxay ahayd Christine Lee Hanson oo laba jir lahayd oo mid ka mid ah diyaaradahaasi saarneyd oo waaliddiinteeda Peter iyo Sue ay safarka ku wehliyeen. Halka qofa ugu da’da weynaanan wuxuu ahaa Robert Norton 00 82 jir ahaa.

Dadka weerarkaasi ku dhintayna waxay ka soo kala jeedaan 77 dal. Weerarka kaddibna waxaa ku dhaawacmay kumannaan qof oo intooda badan ay ahaayeen shaqaalaha dab damiska iyo kuwa gurmadka.

Sawir laga qaaday burburka dhismaha mataanaha, laba maalmood kaddib marka uu weerarka dhacay
Qoraalka sawirka,Sawir laga qaaday burburka dhismaha mataanaha, laba maalmood kaddib marka uu weerarka dhacay

Weerarka yaa qaaday?

Kooxda xagjirka Islaamiga ee looga yeero al-Qaacida ayaa la sheegay iney werarka ka soo qorsheeyeen dalka Afghanistaan.

Weerarkaasi oo la sheegay inuu hoggaaminayey Osama Bin-laden oo Mareykanka iyo xulafadiisa ku eedeeyey iney dunida Muslimka dhibaato ku hayaan.

Sagaal iyo toban qof ayaa weerarkaasi geysatay, iyaga oo iisu qaybiyey seddex kooxood min shan qof iyo koox 4 qof ka kooban oo ay wateen diyaaraddi ku dhacday Pennsylvania.

Afarta kooxood ee weerarkaasi geysatay kooxdiba waxaa la socday hal qof tababar duuliyenimo haysta. Iyada oo raggaasi ay tababarka duuliyanimada ay ku soo qaateen dalka Mareykaka.

15 ka mid ah dadki weerarkaasi geystay waxay u dhasheen dalka Sacuudiga si la mid ah Bin Laden. Labana waxay ka soo jeedeen iisu tagga Imaaraadka, midna wuxuuka soo jeeday Masar, halka hal qofna uu ka soo jeediyey dalka Libnaan.

Mareykanka siduu weerarkaasi uga falceliyey?

Weerarka marki ay ka soo wareegtay wax ka yar hal bil, Madxweyne Gerorge W Bush wuxuu qaaday duullaanki Afghanistan isaga oo kaashanayo xulafadiisa si ururka al-Qaacida xididdada looga siibo Bin Laden la soo qabto.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Mareykanka waxay bin-Laden heleen oo ay ku dileen dalka Pakistan ee deriska la ah Afghanistan.

Khaalid Sheekh Maxammed oo ah nin lagu eedeeyeey weerarkaasi inuu soo agaasimay ayaa 2003-dii lagu xiray dalka Pakistan. Tani iyo xilligaana wuxuu ku jiraa xabsiga Gunatanamo Bay uu Mareykanka leeyahay isaga oo weli aan maxkamad sugayo.

Ururka Al-qaacida oo weli jiro, wuxuu si aad ah uu ugu xooggan yahay waddamada Saxaraha Africa ka hooseeyo iyada oo wakiillana u joogaan dalka Afghanistan.

Ciidamada Mareykanka ayaa sanadkan dalka Afghanistan ka baxay ku dhawaad 20 sano marki ay ciidamadiisu dalkaasi ka howl galayeen, taasoo abuurtay in cabsi laga muujiyo iney soo noqdaan shabakadaha islaamiyiinta.

Qaar ka mid ah sawirrada dadki ku dhintay weerarki September 2001-da Mareykanka ka dhacay
Qoraalka sawirka,Qaar ka mid ah sawirrada dadki ku dhintay weerarki September 2001-da Mareykanka ka dhacay

Raadkii weerarka September 2001-da

Sanada badan waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka duullimadyada caalamka wixi ka dambeeyey weerarki September 11, 2001-da.

Dalka Mareykankana waxaa laga aasaasay hay’ad maamusha ammaanka gaadiidka si loo adkeeyo ammaanka gigada diyaaradaha iyo diyaaradaha duullimaadyada sameynaya intaba.

Nadiifinta burburka dhismayaasha mataanaha waxay socotay muddo siddeed bilood ah.

Taallo iyo Madaxaf xasuus ah ayaa laga taagay goobti ay dhismayaasha ku yaalleen, iyada oo dhismayaasha naqshad cusub loo dhisayo dhismahoodana uu socda.

Mid ka mid ah dhismayaasha xaruunta Hay’adda Ganacsiga Adduunka ee WTO oo qaybihi hore ee dhismaha la dhammeystiray ayuu dhererkiisu yahay 541 mitir, halka dhismihi hore uu ahaa 417 mitir.

Dayactirka burburkii soo gaaray qayb ka mid ah xaruunta Pentagon waxaa lagu dayactiray hal sana gudahii wax.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here