Weerarkii Xabsiga Dhexe oo lasoo afjaray iyo khasaare culus oo ka dhashay

xabsiga dhexe xamar

Qaar ka mid ah maxaabiistii ku jirtay Xabsiga Dhexe ee Xamar, gaar ahaan kuwa loo xukumay kamid ahaanshaha Al-shabaab iyo falal amniga lidi ku ah, kuna xukunaa xabsiya dhaadheer ayaa galabta waxa u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan hub, kadibna ay gudaha xabsiga ka bilaabaan weerar toos ah.

Kooxda uu hubku gacanta u galay oo tira ahaan ku dhawaa 10-qof, sida aan ka soo xiganay ilo dhanka ammaanka ah ayaa dagaal la galay ciidamadii Asluubta ee ilaalada ka hayey xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana dhexmaray dagaal saacada qaatay oo soo gaaray 7:00pm ee caawa.

Ciidamo ka tirsan booliska Soomaliya oo goor dambe gaaray xabsiga dhexe ayaa ku guuleystay in ay soo gaba-gabeyaan werarkaas saacadaha qaatay, waxayna toogteen afar ka mid ah dableydii dagaalameysay.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay laba ka mid ah ragii dagaalamayey oo dhaawac ah.

Mid ka mid ah raggii ka dhex dagaalamay xabsiga waxaa u suurta gashay in uu baxsado, waxuuna dekedda weyn ee Muqdisho horteeda ku dilay darawal mooto Bajaaj, isagoo halkaas si xoog ah uga ka xeystay mootadii oo uu ku baxsaday.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha noo warantay xubnaha ka dhex dagaalamay xabsiga kuma jiraan Shabaab-kii ku xukunnaa dilka, balse waxay u dabnaayeen kuwo ku xukunnaa xabsi daa’in (cimrigaa ha ku furto) iyo xabsiyo dhaadheer.

Shaki badan ayaa ku gadaaman sida kooxdaan ay hubka ku heleen wararka qaar ayaa sheegaya in maxaabiista dagaalantay hubka loo dusiyey, halka wararka kalena ay sheegayaan in markii hore ay gacanta ku dhigeen qori uu lahaa mid kamida askarta ilaalada xabsiga dhexe ee Muqdisho, kadibna ay xoog ku furteen hub kale, iyaga oo xitaa dagaalka u adegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro.

Saraakiisha noo warantay oo naga dalbaday in magacyadooda aanaa warbahinta u adeegsan ayaan sidoo kale kasoo xiganeynaa in kooxdaan ay toogasho ku dileen qaar ka mid ah askartii ilaalada xabsiga dhexe ee Asluubta, kuwaas oo goobta ku sugnaa xillaguu uu weerarku bilaawday.

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho waxaa ku xiran maxaabiis xukunno kala duwan ay  ku dhaceen, kuwaas oo qaarkood loo heysto Al-Shabaab-nimo, laguna kala xukumay dil toogasho ah, xabsi daa’in iyo xarig sanado badan qaadanaya.

Marar badan oo hore waxay quburo dhanka ammaanka ah ka digeen in khataro badan ay ka imaan karaan hadii hal goob lagu wada xiro dadka xukunnada madaniga ay ku dhaceen iyo kuwa u xiran falalka argagixisanimo.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama bixin sida qaar ka mid ah maxaabiista Xabsiga Dhexe ay ugu suurtagashay in hub ay ku dagaalamaan uu gacanta u galo, waxaase la filayaa in dhawaan uu war ka soo baxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here