Wefdi ka socda Soomaaliya oo tegay Hague iyo wararkii u dambeeyey kiiska badda

ICJ hague

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka Holand, si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wafdigan oo ka baxay Muqdisho, ayaa u tegay magaalada Hague sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen go’aanka kama dnabeysta ah ee kiiskan oo soo jiitamayay tan iyo sanadkii 2014, xiligaas oo dowladii madaxweyne Xasan Sheekh ay dacwadan geysay maxkamada horteeda.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague, si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.”

Kenya ayaa todobaadkii hore sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aanka lagu wado inuu ka soo baxa maxkamadda caaalamiga ah ee ICJ ee ku saabsan muranka soohdinta badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Kenya ayaa in muddo ahba ku adkeysanaysay in dacwadda badda lagu xalliyo wadahadal halka Soomaaliya ay doorbiday in lagu xalliyo maxkamadda ICJ oo xukunkeeda soo saareysa todobaadkan.

Xukunka Maxkamada Cadaaladda ee ICJ waxaa isha ku haya Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Madaxda DFS, kuwaas oo ay ku jirto rajo ah in Maxdamada Soomaaliya ay u xukunto Badda, maadama Dowladda Kenya ay muran galisay markii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here