Weriye shaqadeeda ku weyday su`aal ay weydiisay madaxweyne Putin

Alisa Yarovskaya

Ma cadda sababta Alisa Yarovskaya ay u weysay shaqadeedii weriyenimada ee telefishinka Yamal-Region maalmo kaddib markii ay su`aal weydiisay madaxweynaha Ruushka, xilli uu shir-jaraa`id oo sanadle ah qabanayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maamulka Arctic Yamal oo ka tirsan waqooyi-galbeed Siberia ay dhibsadeen su`aasheeda.

Yarovskaya, ayaa si kastaba, sheegtay inay iyada gudbisay iscasilaaddeeda.

Balse arrintan ayaa tooshka ku iftiimisay sida ay weriyeyaasha Ruushka ugu adag tahay inay la xisaabtamaan maamullada.

Maxay ahayd su`aasha weriyaha?

Xilli saddex saacadood uu socday shirka jaraa`id ee sanadlaha ah ee madaxweyne Vladimir Putin oo la qabtay 19-kii December, ayaa waxaa makarafoonka loo dhiibay weriyeyaasha ka soo jeeda gobolka Yamal.

Alisa Yarovskaya ayaa qabsatay makarafoonka, inkastoo afhayeenka madaxweynaha Dmitry Peskovloo uu makarafoonka u waday weriye kale oo telefishinka Yamal-Region ka socday.

Waxay bilowday inay qeexdo faa`iidooyinka cimilada sii kululaaneysa ee gobolkeeda, iyadoo sababtuna ay tahay inay furmayeen waddooyinka badda Arctic. Waxaa la horumariyay dhismaha, waxaa la dhisay waddo tareen, si kastaba dhismaha buundo laga dhisayo Webiga Ob ayaa socotay, sida ay sheegtay. Buundada waxaa loogu talo-galay inay isku xirto labo magaalo oo gobolkaas ku yaalla oo kala ah, Salekhard iyo Labytnangi.

“Barasaabkeenna, Dmitry Artkyukhov, wax dadaal ah kuma bixiyo inuu ka dhabeeyo dhismaha buundada,” ayay tiri Yarovskaya. “Welina arrintan inta badan lagama hadlo xitaa heer federaal. Sidaas daraaddeed waxay su`aashu tahay ma heli karnaa inuu federaalku soo fara geliyo?”

President Putin's 15th annual press conference lasted well over four hours
Shirka jaraa`id ee 15-aad ee Putin ayaa socday afar saacadood

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in federaalku uusan u habbooneyn soo faragelinta hal mashruuc, balse wuxuu sheegay in buundada Ob ay muhiim u tahay isku xirka gobolka, maaddaama in dekadaha Arctic ay furmeen ay tahay wax muhiim ah.

Wuxuu xusay inay dowladdu ka warqabto ayna fiiro gaar ah u yeelan doonto.

Maxay tahay sababta ay shaqadeeda u weysay?

Sida laga soo xigtay warbixin lagu daabacay barta Ura.ru, saraakiisha sarsare ee degmada Yamal-Nenets ayaa la fajacay faragelinta weriyaha, sidoo kale telefishinka ayaanan jecleysan inay makarafoonka ka boobto weriye kale oo ay isla shaqeeyaan.

Ura.ru ayaa ilo dowladda ah ka soo xigtay in barasaabku uusan ku qancin su`aasha kaddibna la isku raacay in su`aal kale oo waddooyinka tareenka ku saabsan la weydiiyo madaxweynaha.

Yarovskaya ayaa dhanka kale u sheegtay dhowr warbaahin oo Ruush ah inay iyada gudbisay iscasilaadda intii la ceyrin lahaa, balse kama aysan hadlin inay taasi la xiriirto su`aasheeda iyo inkale.

Warar kale ayaa sheegaya in laga yaabo inay shaqada ku weysay qoraal ay ku hoos qortay sawirka madaxweyne Putin markii uu shirka jaraa`id socday, kaas oo ay wax kaga sheegtay muuqaalkiisa.

“Ma arko isqurxinta macmalka ah. wuxuu u muuqdaa da`iida,” ayaa la sheegay inay tiri. Arrintaasi lama xaqiijin karo maaddaama qoraalkaasi laga saaray markii dambe.

Afhayeenka Putin ayaa sheegay in sababta ay weriyaha shaqada uga tagtay aan la ogeyn – in ay is casishay iyo in shaqada la tirayba, sida ay shaacisay barta Izvestia. Si kastaba, in shaqada laga tiro waa mid u taalla tifaftirayaasha telefishinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here