WILLIAM RUTO OO HOGAAMINAYA CODADKA LA TIRIYEY DOORASHADA KENYA

kenya election2

Waxaa Kenya weli ka socoto tirinta codadka doorashada madaxweynaha, ku dhawaad kala bar codadkii la dhiibtay ee doorashada Madaxweynaha ayaa la tiriyay, labada musharrax ee ugu cad cad doorashada ayaa si aad isug dhaw.

Madaxweyne ku xigeenka William Ruto ayaa wax yar ka horreeyaa Ra’iisul Wasaarihii hore Raila Odinga-waxay kala wataan natiijada horudhaca ah -51% iyo 48%

Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa qiray in si gaabis ah ay u socoto howlaha tirinta codadka doorashada.

Waxaa dhowr jeer la hakiyay xaqiijinta codadka doorashada kadib markii ay cabasho ka timid taageerayaasha musharraxiinta ugu tunka weyn.

Taageerayaasha Mr Odinga ayaa dhowr jeer carqaladeeyay hanaanka xaqiijinta natiijada, waxay qaar kamid ah saraakiisha guddiga doorashada ku eedeeyeen inay faragelin ku sameeyeen codbixinta.

Inkasta xaley ay jirtay xiisad markii madaxa ololaha doorashada Odinga ay u suurtogashay in uu khudbad ka jeediyo goobtii loogu talagalay inay hadal ka jeediyaan saraakiisha guddiga doorashada, wuxuu dhaleeceeyay qaabka ay u socoto hannaanka xaqiijinta codadka doorashada Madaxweynaha.

“Waxaan doonayaa in halkan aan ka shaaciyo in xarunta tirinta codadka ee Bomas ay noqotay xarun dambiyeed” ayuu yiri Saitabao Ole Kanchory, ka hor inta aan makarafoonka laga damin xilli uu hadalka sii watay.

Bomas – xarunta dhaqanka ee ku taal caasimadda Nairobi, taasoo ah xarunta ugu weyn ee lagu tiriyo codadka doorashada Kenya ayaa waxaa xalay la geeyay ciidamada ka hortagga rabshadaha.

Hoggaamiyeyaasha dalka iyo kuwa diimaha ayaa ugu baaqay shacabka inay dulqaad muujiyaan isla markaana ugu baaqay musharraxiinta ugu cad cad doorashada inay is xakameeyaan oo ay ilaaliyaan mas’uuliyadda saaran.

Waxaa haatan si rasmi ah loo xaqiijiyay 141 kamid ah codadka laga dhiibtay 292 deegaan baarlamaaneed.

Warbaahinta Kenya ayaa markii hore tirineysay codadka doorashada madaxtinimada iyadoo labada musharrax ay si aad isugu dhaw yihiin.

Ku dhawaad 14 malyan oo qof ayaa codeysay doorashada Kenya ee Talaadadii aanu soo dhaafnay ka dhacday dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here