WILLIAM SAMOEI RUTO OO NOQDAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE KENYA

V pr William Ruto

Guddiga Doorashooyinka iyo Xaduudaha Kenya (IEBC) ayaa ku dhawaaqay in William Samoei Ruto uu ku guuleystay doorashada madaxwenaha ee Kenya. Wuxuu helay boqolkiiba 50.4% codadkii la dhiibtay, Wuxuu ka adkaaday Raila odinga oo helay boqolkiiba 48.8%.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay in William Ruto uu yahay madaxweynaha cusub ee lasoo doortay ee Kenya.

Ruto oo guushiisa ka hadlay ayaa sheegay in dhammaan awoodda madaxbanaani ay u sugnaatay shacabka Kenya, isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii dalka hore loogu sii wadi lahaa.

Haddaba waa kuma William Ruto?

Wuxuu sannadkii 1966-dii ku dhashay deegaanka Sugoi oo ka tirsan gobolka Rift Valley ee dalka Kenya.

Ruto wuxuu kusoo koray nolol adag xitaa wuxuu iskuulka tagi jiray isaga oo kaba la’aan ah. Kab uu lugtiisageliyana waxaa ugu horreysay da’da 15.

Wuxuu waddooyinka deegaan miyi ah oo ku yaalla Rift Valley ku iibin jiray digaaga iyo lowska, Ruto wuxuu mar kasta sheegaa in uu yahay nin nolosha meel hoose kasoo billaabay.

Ruto wuxuu halqabsi ka dhigtay “nin xoogsata ah”, isagoo sheegay in uu la dagaallamayo waxa uu u arko qoysaska hore u heystay awoodda Kenya sida – Kenyatta iyo Odinga – oo doonaya inay xukunka u sii hayaan.

Wuxuu siyaasadda Kenya kusoo biiray sannadkii 1992, wuxuu sheegay in macalinkiisa siyaasadda uu ahaa Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi.

Mr Ruto wuxuu xubin firfircoon ka ahaa garabkii dhallinyarada xisbigii Kanu ee Moi, wuxuu sidoo kale kamid ahaa dadkii loo xil saaray ololihii loogu codeynayay in Kenya ay axsaab badan yeelato sannadkii 1992.

Waa nin aftahan oo awood leh kaas oo si weyn usoo jiita quluubta dadka ka qeybgala isu soo baxyadiisa siyaasadda, waxaana lagu tilmaamaa inuu si wanaagsan hadallada usoo gudbiya marka uu wareysi siinayo warbaahinta.

Wuxuu sannadkii 1990 shahaadada koowaad ee culuumta seyniska ka qaatay jaamacadda Nairobi, wuxuu markii dambe shahaadada labaad iyo midda PHD ka qaatay isla jaamacadda Nairobi.

Waxaa sannadkii 1997 loo soo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya, waxaa laga soo doortay Waqooyiga Eldoret, xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay dowladda Kenya, waxaana ugu muhimsanaa in mar noqday wasiirkii waxbarashada iyo wasiirka tacliinta sare.

Ruto wuxuu durbaba ug gudbay jagada Madaxweyne ku xigeenka Kenya sanadkii 2013-kii, muddo 10 sanno ah ayuu madaxweyne ku xigeen ahaa.

Ruto wuxuu kamid ahaa siyaasiyiintii hor tagay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC kadib markii lagu eedeeyay in uu huriyay rabshadihii ka dhashay sanadkii 2007 oo ay ku dhinteen 1,200 qof, Ruto oo eedeymihaas oo iska fogeeyay, maxkamadda ayaa markii dambe wax dambi ah ku wayday Ruto.

Mar wuxuu taageeray in la xidho xeryaha qaxootiga?

William Ruto wuxuu sannadkii 2016 ugu baaqay beesha caalamka inay ka taageerto go’aankii ay Kenya ku dooneysay inay albaabada isugu dhufato xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Ruto oo xilliggaas ka hadlayay shir arrimaha banii’aadanimada oo ka dhacay Turkiga ayaa xilliggaas ka codsaday beesha caalamka inay bixiyaan dhaqaalaha dib u dejinta loogu sameynayay qaxootiga ku sugan xeryaha Dhadhaab.

Dowladda Kenya ayaa sannadkii hore sheegtay inay si rasmi ah ugu gudbisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR inay xidhi doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma marka la gaadho 30-ka bisha June ee 2022-ka.

William Ruto wuxuu hadda ka hor sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ayna kasoo bixin halkaas tan iyo Soomaaliya ay nabad ka noqoneyso.

Wareysii uu siiyay BBC-da sanadkii 2019 wuxuu ku sheegay in Kenya ay shaqeyneyso sidii lagu xoojin lahaa dadaallada lagu sugayo amniga Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here