Xaaf: Xalaalba maaha shirka musharaxiinta mucaaradka

xilwareejin xaaf qoorqoor5

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warramay aragtidiisa ku aadan shirarka siyaasadeed ee magaalada Muqdisho uga socdo musharraxiinta mucaaradka.

Xaaf ayaa sheegay in shirkan uusan aheyn mid xalaal ah, islamarkaana aysan ka soo bixi doonin wax natiijo ah, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa sababta ku sheegay in madaxda qaar ee shirka fadhiso aysan dalkan waxba u qaban, isaga oo si gaar ah ugu dhagay Xasan Cali Khayre.

“Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo inta Ciidamo ii keen-saday xilkeygii iga soo ceersadey Dhuusamareeb ayaa ka mid ah shirka Muqdisho, maxow shir ka noqonayaa xalaalba maahane.” ayuu yiri Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday tabashada ay musharraxiintu ka muujinayaan guddiyada doorashooyinka, wuxuuna sheegay in kaliya ay wadaan mar-marsiiyo iyo inay carqaladeeyaan doorashada soo socota, isaga oo hoosta ka xariiqay in la wada ogaa sidii ay ahaayeen guddiyadii uu sanadkii 2016-kii magacaabay Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba Muqdisho ayaa marti galineyso shirar siyaasadeed oo iska soo horjeedo, kuwaas oo looga hadlayo doorashada, gaar ahaan muranka ka taagan guddiyadeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here