Xaafadda Islii oo Xarun ganacsi looga kala cararay cabsi bam darteed

islii

Khubrada bambaanooyinka ayaa maanta loo daagureeyay dhismo ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ka dib markii warqad hanjabaad ah looga dhex tagay wiishka dabaqyada lagu koro.

Dad aan la aqoon ayaa wiishka uga dhex tagay warqad ay ku qoranayd in walxaha qarxa uu ku jiro dhismaha Yare Plaza.

Taliyaha saldhigga booliiska Starehe Julius Kiragu ayaa sheegay in dhismahaasi loo diray khubarada bambaanooyiinka ku takhasusay si ay u baaraan.

Sida ay booliiska sheegeen warqada ayaa waxaa ku qornaa in bambaanadani ay xilli kasta qarxi karto.

Dhammaan dadkii ku sugnaa dhimaha Yare Plaza ayaa halkaasi laga daadgureeyay.

Dhismaha Yare Plaza ayaa ah dhismo ganacsi oo ku yaalla bartamaha xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii .

Waxaana haatan albaabada loo laabay laba xarun oo ganacsi, waxaana dhimsmaha gudaha u galay khubarada sida gaarka ah ugu takhasusay miino baarka, kuwaas oo wada baaritaano.

Haadaba faahfaahin intaas dheer waxaan weydiiyay mid kamid ah dadka ganacsiga kuleh xarumahaasi sidoo kalana goob joog u ahaa waxa dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here