Xaaji Cabdi Waraabe oo maanta ku Geeriyooday magaalada Hargeisa

tacsi3

Waxaa Cisbitaal ku yaala magaalada Hargeisa ku geeriyooday Alle ha u naxariistee  Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf ( Cabdi-Waraabe) oo ahaa xildhibaanka ugu da’ada weyn golaha Guurtida Somaliland.

Cabdi Waraabe oo da’adiisa lagu qiyaasay 120 sanno , waxa uu ahaa hogaamiye dhaqameed ka qayb qaatay soo afjarida colaadihii u dhaxeeyey beelaha Somaliland, Kadib burburkii dalka.

Markii uu yaraa, waxa lagu xusuustaa in uu saamaxay ninkii aabihii dilay oo uu guursaday gabadhiisa , taasi keentay in ay nabad ku wada noolaadaan labada beelood.

Ugu dambayn Alle ha u naxariisto Isaga iyo Intii kale ee Muslimiin ah ee Geeriyootay, Inagana ha inooga daba Naxariisto, waa maalin Jimce ah, oo Lagu Jiro Bishii Ramadaan.

Caaqil Cabdirashiid Jaambiir oo ka hadlayey Geeridiisa ayaa sheegay in lagu Aasi doono Afurka kadib, Xabaalaha TOON ee Koonfurta magaalada Hargeisa Afurka kadib.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.