Xafiiska Rooble oo faah-faahin ka bixiyey howsha guddi uu magacaabay ee la xiriira doorashada

rw Rooble5

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaalya, Maxamed Xuseen Rooble oo hore u ballan-qaaday hogaaminta geedi socod doorasho oo deg-deg ah ayaa dhawaan magaacabay guddi cusub oo doorasho.

Qoraal kooban oo uu soo saaray xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble uu guddigaas oo lagu magacaabo “Guddiga hagida iyo isu-duwidda qorshaha RW ee doorashada” u magacaabay si loo dar-dar geliyo doorasho xiligeeda ku dhacda.

Guddiga ayaa farsamo ahaan ka shaqeyn doona sida uu sheegay xafiiska ra’iisal wasaaraha doorasho xor iyo xalaal ah oo ku saleysan heshiiskii 27-kii May.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ballan qaaday hoggaaminta geeddi socod doorasho oo deg deg ah laguna kalsoonaan karo ayaa magacaabay koox farsamo oo qaabilsan hagidda iyo isu duwidda qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ee doorasho xilligeeda ku dhacda, xor iyo xalaal ah, kuna saleysan heshiiskii 27-kii May,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga ayaa sidoo kale qeyb weyn ka qaadan doona xiriirinta Golaha Wadatashiga Qaran, Beesha Caalamka, iyagoo sidoo kale taageero farsamo siin doona guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka.

Rooble ayaa dadaal xoogan ugu jira hirgelinta doorasho wada-ogol ah, tan iyo markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay dabayaaqadii bishii hore heshiis doorasho, kaasi oo dalka u jiheeyey dhanka iyo doorasho, kadib jawhareer siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhacay dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here