Xaflad aroos oo ka dhacday hawada sare oo ay dad badan ka qeybgaleen

aroos india hawada sare

Lammaane is calmaday oo u dhashay dalka Hindiya ayaa lagu soo warramayaa inay kireysteen diyaarad gaar ah si arooskoodu ay ugu soo dhigtaan hawada sare maadaama dalkaas aanan laga ogoleyn isu imaatinka dadweynaha si looga hortaggo faafitaanka cudurka Covid-19.

Xafladda arooskoodu oo ka dhacday hawada sare waxaa ka qeybgalay in ka badan 160 qof oo diyaaradda saarnaa.

Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya lammanahan iyo dadkii lagu marti qaaday arooska oo ku dhex sugan diyaaradda xilli ay mareysay hawada sare.

Gobolka Tamil Nadu, oo ay kasoo duushay diyaaradda ayaa waxaa ka dhaqan galay xeerar adag oo ka dhan ah cudurka Karoona, ilaa 50 qof ayaa loo ogolyahay inay ka qeybgalayaan xafladaha aroosyada.

Waaxda duulimaadka Hindiya ayaa bilowday baaritaanno ku aadan arrintani, sida wararka ay sheegayaan.

Muddo labo saacadood ah ayay diyaaradda hawada ku maqneyd xilli ay socotay xafladda arooska.

Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha SpiceJet ayaa wargeyska Indian Express u sheegay in diyaaradda Boeing 737 ay kasoo kacday magaalada Madurai isla markaana ay gaartay Bangalore.

“Dadkii saarnaa diyaaradda waxaa lagula taliyay inay raacaan taalooyinka caafimaad ee looga hortaggayo Covid-19, waxaana loo diiday inay sameeyaan howlo kale” ayuu yiri Afhayeenka.

Hindiya waxaa haatan si ba’an u saameeyay mowjadda labaad ee cudurka Covid-19 kaas oo ay u dhinteen ugu yaraan 300,000, sida ay dowladda shaacisay.

Laakin khuburrada ayaa ku khiyaasay in tirada ay intaas ka badan karto.

Waxaa cisbitaallada buux dhaafay bukaanada uu ku dhacay cudurka Karoona taas oo horseeday gabaabsi dhanka qalabka bukaanada ka caawiyo neefsiga iyo in maalin kasta la gubo meydadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here