XAMAS oo duqeysay laba magaalo oo ka mid ah Israel iyo wararkii ugu dambeeyey

duqeyn xamaas

Ururka Xamas ayaa gantaallo ku garaacay laba magaalo oo ka mid ah dhulka ay Yahuudda xoogga ku haystaan, halka ciidamada Yahuuda ay Maanta mar kale duqeyn xoog leh oo dhanka cirka iyo dhulka ah la beegsadeen qeybo kala duwan oo ka tirsan Magaalada Gaza.

Duqeymaha Israa’iil ayaa lagu bartilmaameedsaday guryo ay dagan yihiin dad rayid ah, Xarumaha Amniga, iyo Xarumaha Dowladda ee Marinka Gaza, sidoo kalana duqeymaha ayaa si ula kac ah waxaa loogu burburiyey tiro kamid ah waddooyinka waaweynka iyo Isgoysyada taasoo sababtay burburka qeybo badan oo kamid ah kaabayaasha dhaqaalaha ee Magaalada Gaza.

Xamas ayaa dhankeeda Gantaalo culus la beegsatay magaalooyinka israel ee kala ah Ashkelon iyo Beersheba, waxayna saraakiisha Caafimaadka Israel xaqiijiyeen dhaawaca 13 qof oo Israa’iilyiin ah inkastoo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijiyey khasaaraha ka dhashay.

Intii ciidamada Israa’iil ay wadeen waxa ay ugu yeereen wajiga cusub ee dagaalka ay ku hayaan Gaza, warbaahinta Israel ayaa ku warantay in Ra’isul wasaare Benjamin Netanyahu uu ka qeybgalayo xaflad la sheegay in loogu dabaaldagayo natiijada guusha ah ee laga gaaray duqeyntii cirka aheyd ee diyaaradaha dagaalka Israel ku bilaabeen todobaad ka hor marinka Gaza, balse waxaa hadda lagu soo waramayaa in Netanyahu uu xafladdaasi ka baaqday.

Sababta la xariirto Netanyahu ka baaqashadiisa dabaaldagii ku aadanaa in suuq geyn loo sameeyo ka guuleesashada iska caabintii Gaza kaga imaaneysay  si uu ahdaaftii guusha dagaalka u gaaro waxaa lagu sheegay inay tahay ilo ku dhow oo la helay oo sheegayaan in natiijada loo arkay mid iska dhex dhexaad ah oo aan micno badan sameyn laheyn haddii uu ka qayb gali lahaa dabaaldagaas. Sidoo kalena waxaa la ogaaday in guusha Isra’iil sheegatay aysan wax weyn ahayn.

Sidoo kale, Ciidanka Israel ayaa sheegay in kadib saqdii dhexe ee Xalay ay fuliyeen wajigii seddexaad ee dagaalkooda sideeda maalin ee sida joogta ah uga socday marinka Gaza, waxayna howlgalkaan ugu magac dareen “Howlgallada Darbiyada.”

Ciidamada sida xoog ah ku heysto dhulalka reer Falastiin ayaa sidoo kale bayaan ay soo saareyn ku sheegay in weerarada laga beegsaday goobaha ay ku sugan tahay Xamaas, waxayna sheegeyn in Maanta muddo 20 daqiiqo ah duqeyn laga beegsaday 35 bartilmaameed .

Israel ayaa sheegtay in 54 dagaalyahan oo ka tirsan iska caabinta Falastiin ay kusoo rideen qiyaastii 110 Galtaal meel 15km u jirto Marinka Gaza.

Wasaaradda Caafimaada Gaza ayaa tirada dhimashada tan iyo markii ay duqeymaha billowdeen ku sheegtay 201 qof, oo ay ku jiraan 58 caruur ah iyo 34 haween ah. Mas’uuliyiinta Israel ayaa iyagana sheegay in 10 qof oo ay ku jiraan laba caruur ah lagu dilay gantaallada Xamas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here