Xanuunka macaanka iyo sida aad uga hortagi kartid

0
dhakhtar

Xanuunka sokorta ama macaanka waa xaalad qofka noloshiisa daba socota waxaana sanad walba u dhinta in ka badan hal milyan oo qof – qof walba ayuuna ku dhici karaa.

Waxaa sababa marka jirku uusan burburin karin dhammaanta sokorta (glucose) ee dhiigga raacsan; waxyaabaha ka dhasha waxaa ka mid ah wadno xanuun, wadno istaag, indhi beel, kilyaha oo howlgab noqda iyo qaarka dambe oo qofku howlgab ka noqdo.

Waana dhibaato – Qiyaastoo 422 milyan oo qof oo dunida ku nool ayaa qaba xanuunka macaanka – waana tiro afar jeer ka badan intii ay ahayd 40 sano kahor, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

Marka laga soo tago khataraha, kala bar dadka qaba xanuunka macaanka ma oga inay qabaan.

Balse isbeddel lagu sameeyo hab-nololeedka ayaa ka hortagi karta xaalado badan oo xanuunka ka mid ah. Waana kuwan siyaabaha aad uga hortagi karto:

Maxaa sababa xanuunka macaanka?

Marka aan wax cunno, jirkeennu wuxuu burburiyaa waxyaabaha loo yaqaanno carbohydrates wuxuuna ka dhigaa sokor (glucose). Mid ka mid ah hoormoonnada qofka oo loo yaqaanno insulin, ayuu soo saaraa beer-yaraha, kaddibna wuxuu unugyada jirkeenna ku amraa inay nuugaan sokorta si ay tamar uga helaan.

Xanuunka sokorta ayaa qofka ku dhaca marka insulin uusan jirkeennu soo saarin amaba aysan sidii la rabay u shaqeyneynb, taas oo sababta in sokortu ay jirkeenna fadhiisato.

Waa maxay noocyada xanuunka macaanka?

Waxaa jira dhowr nooc oo xanuunka macaanka ah.

Nooca 1 ee macaanka, beer-yaraha ayaa joojiya soo saaridda maaddada insulin-ta, marka glucose ayaa raaca dhiiggeenna oo hoy ka dhigta.

Saynisyahannada ma oga waxa gaar ahaan sababay arrintan balse waxay rumeysan yihiin in laga yaabo inay tahay wax hiddaha qofka la xiriira amaba caabuq saameeya unugyada soo saara insulin-ta ee beer-yaraha. Ilaa 10 boqolkiiba dadku waxay qabaan nooca 1-aad ee macaanka.

Nooca 2 ee macaanka, beer-yaruhu ma soo saaro insulin ku filan jirka amaba hoormoonku uma shaqeeyo sidii laga rabay.

Tan ayaa caadiyan ku dhacda dadka da’ dhexaadka ah amaba dadka waaweyn, balse waxay sidoo kale ku dhacdaa dadka uu miisaankoodu culus yahay, iyo dadka ka soo jeeda dalalka qaar, sida Koofurta Aasiya.

Haweenka uurka leh qaarkood ayaa laga yaabaa inay ku dhacdo sokorta nooca gestational diabetes marka jirkoodu uusan insulin ku filan u soos aarin iyaga iyo ilmaha uurkaba.

Daraasado kala duwan oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 6 ilaa 16 boqolkiiba haweenka uurka leh uu la soo derso noocan xanuunka macaanka ah. Waxaa laga doonayaa inay xakameeyaan heerka sokorta jirkooda iyagoo ilaalinaya cuntada ay cunaan, sameynaya jimicsi.

Waxay sidoo kale dadka qaar la kulmi karaan nooca pre-diabetes – oo ah xaalad sababeysa inuu kordho heerka glucose ee jirka taas oo sababi karta xanuunka macaanka.

Waa maxay calaamadaha xanuunka macaanka?

Calaamadaha ugu badan waxaa ka mid ah:

  • oon saa’id ah
  • kaadi badan, gaar ahaan habeenkii
  • daal saa’id ah
  • in miisaan uu kaa dhaco
  • caabuq dhanka afka ah
  • aragga oo daciif noqda
  • dhaawacyo aan bogsaneyn

Sida laga soo xigtay waaxda caafimaadka ee Britain, calaamadaha nooca 1 ee xanuunka macaanka ayaa qofka lagu arki karaa carruurnimadiisa amaba da’da qaan-gaarka waxayna noqon kartaa xaalad khatar ah.

Dadka khatarta ugu badan ugu jira nooca 2 ee xanuunka macaanka waa dadka ay da’doodu ka sarreyso 40 (ama 25 dadka Koofurta Aasiya ka soo jeeda); dadka uu waalidkooda amaba walaalahood uu mid qabo macaanka; miisaankoodu saa’id yahay; kana soo jeeda Koofurta Aasiya, sida Shiinaha.

Maka hortagi karaa xanuunka macaanka?

Xanuunka macaanka waxaa sababi kara xaalado hiddaha qofka la xiriira amaba deegaanka balse xaalkaaga caafimaad waad ka warqabi kartaa adiga oo la soconaya cuntadaada iyo hab-nololeedkaaga.

Fruits, wholemeal grains and healthy oils
Qoraalka sawirka,Inaad sokorta la warshadeeyay ku beddelatid khudradda ayaad ku xakameyn kartaa heerka sokorta jirkaaga

Inaad ka fogaato cunnada sokorta leh ama cabitaannada, rootiga cad iyo baastadana aad ku beddelato kuwa madowga ah waa tallaabada koowaad.

Sokorta iyo badarka la warshadeeyay nafaqo badan ma laha waxaana laga bixiyay fitimiinnada ku jira. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa burka cad, rootiga cad, bariiska cad, baastada cad, cabitaannada sokorta leh iyo waxyaabaha macmacaan.

Cuntooyinka caafimaadka leh waxaa ka mid ah khudradda, furutada, digirta iyo badarka aan la warshadeyn. Waxaa sidoo kale ka mid ah saliidaha caafimaadka leh, looska iyo saliidaha ay ku badan yihiin maaddada omega-3, sida saliidda kalluunka.

Waa muhiim in wax la cuno xilliyo kala duwan lana joojiyo wax cunitaanka markaad dheregsan tahay.

Jimicsiga jirka wuxuu hoos u dhigaa heerka sokorta jirka. Waaxda caafimaadka UK ee NHS ayaa ku talineysa 2.5 saacadood oo jimicsi ah toddobaadkii, sida socodka boobsiiska ah.

Shot from above of a woman running
Qoraalka sawirka,Waa muhiim in qofku la socdo hab-nololeedka jimicsina uu sameeyo

Miisaan caafimaad leh ayaa jirkaaga u fududeyn kara inay hoos u dhacdo heerka sokorta jirka. Haddii aad dooneyso inaad miisaan iska riddo, isku day si tartiib ah, inaad iska riddo inta u dhaxeysa 0.5 kg iyo 1 kg toddobaadkii.

Waa muhiim inaadan sigaar cabin aadna la socoto heerka dufanta jirkaaga si aad uga hortagto khatarta xanuunnada wadnaha.

Waa maxay dhibaatooyinka ka dhalan kara xanuunka macaanka?

Sokor badan oo ku jirta dhiiggaaga ayaa dhaawici karta xiidmaha dhiigga ee jirkaaga.

Haddii uusan dhiiggu si fiican ugu socon jirkaaga, ma gaari karo qeybo ka mid ah jirka oo u baahan dhiigga, taas oo dhaawac gaarsiin karta neerfaha sida (dareenka iyo inaad xanuun dareento oo kaa taga),indho beel iyo caabuq cagaha ah.

WHO ayaa sheegtay in macaanku uu yahay mid ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee qofka aragga tira, kelyaha oo aan shaqeyneyn, xanuunnada wadnaha iyo qaarka dambe oo howlgab noqda.

An actor simulating a heart attack
Qoraalka sawirka,Macaanku waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee qofka aragga tira, kelyaha oo aan shaqeyneyn, xanuunnada wadnaha iyo qaarka dambe oo howlgab noqda, sida ay sheegtay QM

Sanadkii 2016, qiyaastii 1.6 milyan oo dhimasho ah ayaa si toos ah loola xiriiriyay xanuunka macaanka.

Intee qof ayaa la nool xanuunka macaanka?

Sida ay qabto WHO, tirada dadka la nool xanuunka macaanka ayaa sare uga kacday 108 milyan sanadkii 1980 waxayna gaartay 422 milyan sanadkii 2014.

Sanadkii 1980, wax ka yar 5% dadka qaan-gaarka ah (ee ka weyn 18 sano) ayaa guud ahaan dunida qabay xanuunka macaanka – sanadkii 2014, waxay gaareen 8.5%.

Golaha Caalamiga ah ee Xanuunka Macaanka ayaa ku qiyaasaya in ku dhowaad 80% dadka qaan-gaarka ah ee la nool macaanka ay ka soo jeedaan dalalka uu dhaqaalahoodu uu yahay meel dhexaad amaba hooseeyo.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here