Xasan Daahir Aweys oo ka hadlay xabsi gurigiisa iyo xiriirka Dowladda Somalia

xasan daahir aweys

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah wadaad u xiran dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahi ka bixiyey xabsi guriga uu ku jiro iyo eedeyn loo jeediyey oo ah inay adeegsado dowldda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Isagoo soo duubay muuqaal cusub, una jawaabayey mid ka mida dadka baraha bulshada laga yaqaan ayuu Sheekh Xasan Daahir ayuu sheegay inaysan is arag madaxda dowladda Soomaaliya, markii kaliya ee wadahadalka ay ugu yimaadeenna uu ku adkeystay mowqifkiisa, kadibna ay ka tageen; kaliyana ay is arkaan ciidamada ilaaliya.

“Wuxuu intaas ku daray inay xoriyad kooban siisay dowladda, ayna xabsi guriga ugu dhasheen caruur, isla markaana uu siyaasadda ka hadlo, markii ay ku yiraahdeen inuu joojiyo siyaasadda uu ka hadlayana uu u sheegay in haddii ay doonaan ay afkana ka xiraan.

Sheekh Xasan Daahir wuxuu sheegay inuusan weligiis laaluush qaadan, isla markaana uu iska ilaaliyo xaaraanta, una xiran yahay hal kalmad, isagoo sheegay inuu xitaa waayey wax uu ku dayactirto guri uu leeyahay oo burbursan, wuxuuna iska fogeeyay wax xiriir ah oo uu la leeyahay madaxda dowladda, kaliyana uu difaacayo waxa uu aamisan yahay.

“Wadadaadda sida aniga oo kale ee xiran ma haystaan inta aan heysto.. waana uga mahad celinayaa dowladda..” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo caddeeyay inuusan ka tanaasulin fekerka diiniga ah ee uu u xiran yahay.

Wuxuu sheegay inuu C/raxmaan C/shakuur ku heyso arrin Diini ah, cid ka celin kartana aysan jirin, xitaa kuwa qabiilka ku difacayana uu ka yaqaan isaga ugana dhow yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here