Xayawaan hor leh oo laga helay fayraska Koroona

jeer coronavirus

Mas’uuliyiinta beer xayawaanka lagu xannaaneeyo oo ku taal dalka Belgium-ka ayaa sheegay in laba ka mid ah jeerta ku nool beertaasi la karantiilay kaddib markii laga helay fayraska Korona.

Ma cadda sida labadani Jeerta ahi oo lagu kala magacaabo Imaani oo 14 sano jir ah iyo Hermien, oo 41 sano jir ah, ay u qaadeen fayraska cudurkani.

Maamulka beertan oo lagu magacaabo Antwerp ayaa sheegay Jeertaasi lagu arkay astaamaha cudurkaasi sida diif ka qulqulaya sankooda.

Xayiraado ayaa lagu soo rogay beertani xayawaanka ilaa iyo inta ay labadani Jeer jirkooda laga waayayo fayraska cudurkaasi.

Horey waxaa caalamka oo dhan uga jiraya warar sheegayay in xayawaanno kala geddisan laga helay cudurkan dunida saameeyay.

Sida caadiga ahi, sanka Jeerta ayaa ah mid inta badan qoyan balse dhakhaatiirta ku takhasusay cudurrada ku dhaca xayawaanka ee beerta Antwerp ayaa waxay go’aansadeen in ay baaraan diif ka qulqulayay labadani Jeer, waxaana markiiba la xiray halkii ay beerta ka joogeen.

Shaqaalihii xannaanadooda ka shaqeynayay oo markii la baaray laga waayay cudurkaasi ayaa hadda la amray in ay af-saabtaan isla markaana ay xirtaan muraayadaha indhaha ayna isticmaalaan jeermis-dile ka hor inta aysan taaban ama wax siin Jeerta kale ee halkaasi ku jirta.

“Inta aqoontayda ah, waa markii ugu horreysay ee Jeer laga helo cudurkan. Adduunka oo dhan fayraskan waxaa inta badan lagu arkay daanyeerta iyo bisidaha,” ayuu yiri Francis Vercammen oo ah dhakhtar ka hawlgala beertaasi.

Horraantii usbuucan ayaa dowladda Canada waxay xaqiijisay in cudurkan laga helay deero, waana markii ugu horreysay oo cudurkan laga helo ciddoodka dalkaasi ku nool.

Balse maadaama inta badan aan baaritaan lagu sameyn ugaarta iyo duurjoogta kale, cidna ma xaqiijin karto sida uu cudurkan ugu dhex faafay ciddoodka iyo xayawaanaadka kale.

Xayawaankii ugu horreeyay oo laga helay fayraska Koroona

Horraantii bishii Abriil ee sanadkii hore ayaa dalka Mareykanka waxaa cudurkani laga helay Shabeel dhiddig ah oo da’diisa lagu sheegay afar sano islamarkana lagu magacaabo Nadia oo ku jiray beerta xayawaanada lagu xanaaneeyo ee Bronx.

Shabeelkan, ayaa inta la ogyahay noqday xayawaankii ugu horreeyay ee laga helay cudurka Covid-19 ee aadanaha ku dhaca.

Saraakiisha beertani lagu xanaaneeyo duurjoogta ee Bronx, ee ku taalla magaalada New York, ayaa waxay sheegeen in natiijada baaritaankan lagu xaqiijiyay Shey-baar ku yaalla Iowa.

Nadia iyo lix xayawaan oo kale ayaa la rumaysan yahay in cudurkan ay ka qaadeen mid ka mid ah ilaalada duurjoogta.

Ma inaan ka walwalnaa xayawaanka faafinaya fayraska Koroona?

Dhammaadkii bishii Maajo ee sanadkii 2020-ka yaa dowladda Netherlands waxay sheegtay in fayraska corona oo laga helay mid ka ah beeralayda dalkaasi uu u gudbiyay ama ka qaaday xayawaan.

Saynisyahannada ayaa aaminsan in fayraskani Koroona uu markii ugu horreysayba ka yimid xayawaanka, balse tan iyo markii uu Wuhan ka billawday, wuxuu ku faafay dhammaan qaaradaha adduunka waxaana isu gudbinayay ama isku faafinayay bini’aadamka.

Waxaa sidoo kale jira su’aallo ku saabsan sida uu fayraska ugu dhacay xayawaankan. Balse waxaa cad in faafidda iyo khatarta ama halista fayraska uu ku badanyahay bani’aadamka.

Sidoo kale dhammaadkii bishii Luuliyo ee isla sanadkaasi ayaa Bisad ku nool dalka Ingiriiska waxaa laga helay cudurkani Koroona.

Bisaddan oo ka mid ah xayawaanka guri-jooga ah ee dadku ay dhaqdaan ayaa khubarada caafimaadka waxay sheegeen in ay tahay markii ugu horreeyay ee laga helo xayawaan la xannaaneysto ee dalka UK, waxaana ay intaa ku dareen in taasi aysan ka dhignayn in xayawaankaasi uu faafiyo fayraska.

Waxaa la rumeysan yahay in bisaddan ay xanuunka ka qaaday qof xannaaneysanayay, oo markiisii hore laga helay fayraska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here