Xil. Cabdixakiin: Qofkii qancayo ayaa la qanciyaa 8 bilood way ku filan tahay in wax la qanciyo

xil cxakiin macalin axmed maalin

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo katirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhibaatada kooxda ahlusuna ku haysodismaha maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in doodda ka taagan dhismaha guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug aanu wanaagsaneen xiligaan, maadaama qayb kamid ah maamulka la dhisay.

Ka xildhibaan ahaan waxa uu soo jeediyay in loo hogaansamo habraaca guddiga doorashada ay u dajiyeen doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka oo ku beegan 30-ka bishaan Talaadada todobaadka dambe.

Dhismaha Dowlad Goboleedka waxa uu tilmaamay Xildhibaan Cabdixakiin in waqti lagu bixiyay isla markaana aan xiligaan mudneen in caqabad lagu soo gunaaanado howsha socotay.

Xildhibaan Cabdixakiin oo ka hadlayay Khilaafka iyo cabashooyinka taagan waxa uu sheegay in aysan jirin cid xaq u leh go’aan ka gaarista dhismaha Galmudug marka laga reebo Baarlamaanka labaad oo howshiisa bilaabay.

“Qofkii Qancayo ayaa la qanciyaa, 8 bilood waxa ay ku filan tahay in wax la qanciyo, balse xiligaan kadib looma dulqaadan doono lamana sugi karo” ayuu yiri Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed.

Bartamihii todobaadkaan waxaa Magaalada Dhuusamareeb looga dhawaaqay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug, balse waxaa kahor yimid Ahlu Sunna iyo qaar kamid ah Musharixiinta oo ku tilmaamay guddigaas in aan loo dhameyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here