Xildhibaan Ilyaas Cali Xasan oo Kenya la saftay dalkiisiina khaayimay

xildhibaan Ilyaas cali xasan

Xildhibaan Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa noqday Xildhibaankii ugu horeeyey ee dalkiisa khaayima, kadib markii uu warbaahinta Kenya siiyey hadallo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, isaga oo taageero u muujinaya Kenya, xilli xiisad diblomaasiyeed ay ka dhaxeyso labada dal.

Xildhibaan Ilyaas ayaa u sheegay wargeyska The Standard in dowladda Soomaaliya aysan la tashan aqalka sare “ ka hor inta aysan iib-geyn xirmooyinka shidaalka”

Ilyaas oo ah guddoomiyaha guddiga kheyraadka ee Aqalka Sare, ayaa sidoo kale warbaahinta kale ee Kenya ay kasoo xigatay bayaan oo ku sheegay in tallaabada dowladda Soomaaliya “ay ku iib-geysay xirmooyin shidaal oo dal kale uu leeyahay ay jebineyso sharciyada dalka.”

Waxa uu sheegay in Kenya ay Soomaaliya u gashay abaal weyn.

“Kenya waxa ay marti-gelisaa xerada qaootiga ee ugu weyn dunida, oo dadka ugu badan ee ku jira ay yihiin Soomaali. Sidoo kale bulshada ganacsatada ugu badan ee Soomaalida ah waxay ku sugan yihiin Nairobi” ayuu yiri Ilyaas.

Sidaas darteed, buu yiri, xiriirka oo xumaada waa mid dhib ku ah labada dalba.

Waxa horey loo tuhunsanaa in Baarlamaanka Soomaaliya ay ka buuxaan xubno u adeega dalal shisheeye, sidaas darteed mar haduu is cadeeyey waxaa haboon in Xildhibaan Ilyaas Cali Xasan laga saaro gudiga iyo golahaba.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.