Xildhibaanad surwaal ay xirnayd awgii looga saaray gudaha baarlamaanka

h

Xildhibaannada dumarka ah ee ku jira baarlamaanka dalka Tanzania ayaa dalbaday in raalligelin buuxda la siiyo xildhibaanad laga saaray gudaha baarlamaanka sababo la xiriira surwaal ay xirnayd.

Nin xildhibaan ah ayaa kalfadhi uu baarlamaanka lahaa ka dhex sheegay in qaabka dumarka qaarkood ay u soo lebbistaan ay baarlamaanka u keeneyso in lagu maadeysto.

“Mudane guddoomiye, tusaale ahaan dhankeyga midig waxaa fadhida walaashey oo xiran shaar jaalle ah. Bal eeg surwaalka ay xiran tahay mudane guddoomiye,” ayuu yiri xildhibaan Xuseen Amaar oo talaadadii dhaweyd hadal ka jeedinayay kalfadhiga baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa markiiba ku amray xildhibaanad Condester Sichwale in ay ka baxdo baarlamaanka.

“Bax oo si wanaagsan u soo lebbiso, markaa kaddib nagu soo laabo,” ayuu yiri guddoomiye Job Ndugai.

Waxa uu intaasi ku daray in tani aysan ahayn cabashadii ugu horreysay ee ku saabsan lebbiska xildhibaannada dumarka ahi ee ku jira baarlamaanka, wuxuuna ku amray nidaamiyeyaasha baarlamaanka in aysan oggolaan in baarlamaanka uu soo galo qof kasta oo si aan habboonayn u lebbisan.

In kastoo xildhibaan Xuseen uusan faahfaahin ka bixin waxa ka khaldan ee uu ku qoonsaday lebbiska xildhibaanad Sichwale, haddana wuxuu soo daliishaday qaanuunka baarlamaanka ee dumarka u oggolaanaya in ay xirtaan surwaal haseyeeshee diidaya in dharkaasi uu noqdo mid ku dheggan jirkooga. BBC-du uma aysan suurtagelin in ay hesho xildhibaan Xuseen oo ay wax ka weydiiso arrintaasi.

Koox xildhibaanno haween ah oo ay hoggaaminayeen xildhibannada kala ah Jacqueline Ngonyani iyo Stella Manyanya ayaa ku doodaya in tallaabadaasi ay ahayd mid caddaalad-darro ah isla markaana aysan jirin wax ka khaldan lebbiska Sichwale.

Dhacdadani ayaa sidoo kale soo jiidatay indhaha dadka isticmaala baraha ay bulshada ku xiriirto dunida oo dhan, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in arrintani ay tusaale u tahay sida raggu uu dumarka ugu yeeriyo sida ay tahay in ay u lebbistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here