Xildhibaankii 2-aad oo ka tirsan BF Somalia oo 24 saac gudahood geeriyooday

Xil Fiilow Isaaq Ibraahim

Allaha u naxariistee waxaa caawa dalka Turkiga ku geeriyooday Xildhibaan Fiilow Isaaq Ibraahim oo ka tirsanaa xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Marxuumka oo laga soo doortay deegaanada Jubbaland ayaa geeridiisa waxaa xaqiijisay madaxtooyada Jubbaland, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

“Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, waxaa uu ka tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u Naxariistee Xildhibaan Xaaji Fiilow Isaaq Ibraahim, oo katirsan Baarlamaanka JFS oo ku geeriyooday Wadanka Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey bogga Facebook ee madaxtooyada Jubbaland.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Alla ha u Naxariistii Xildhibaan Xaaji Fiilow Isaaq Ibraahim, waxaa uu kamid ahaa aas aasayaashii Jubaland, isagoo wakhtigiisa iyo naftiisaba u huray dhismaha Jubaland. Madaxweynahu wuxuu tacsi u dirayaa dhaammaan Shacabka Jubaland, iyo gaar ahaan qoyskii, qaraabadii, iyo Saxiibadii uu marxuumku ka baxay.”

Xildhibaan Fiilow Isaaq Ibraahim ayaa noqonaya xildhibaankii labaad oo maanta ka baxay golaha shacabka, waxaana maanta magaalada Baydhaba ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow.

Xildhibaan Boonow ayaa u geeriyooday xanuun haayey maalmihii u dambeeyey, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehalladaasi.

Xildhibaan Boonow ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii soo maray dalka, wuxuuna soo noqday wasiir dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale waxa uu golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka soo tirsanaa tan iyo sanadkiii 2012-kii.

Eng. Maxamed Maxamuud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here