Xiliga ay Dhaceyso Doorashada Gudoonka Baarlamanaka Galmudug oo la shaaciyey

calanka galmudug

Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Maamulka Galmudug kulan ku yeeshay guddiga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka uu yeelanayo maamulkaasi, kuwaa oo shaaciyay habraaca doorashada Gudoonka.

Guddiga ayaa sheegay in qabashada Araajida musharaxiinta u taagan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa ay bilaaban doonto 14-ka bishan iyadoona ku eg 15-ka bishan .

Waxa ay sidoo kale guddiga sheegeen in khudbad jeedinta Musharaxiinta ay dhici doonto 16-ka bishan oo ku beegan Khamiista halka doorashada ay dhici doonto 17- bishan oo ku beegan maalinta Jimcaha.

Halkan ka Akhriso Habraaca Doorashada Gudoonka Baarlamanaka Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here