Xilliga la dooranayo Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu heshiiyey

Rooble iyo madaxgoboleedyada

Shirka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ugga socdey Muqdisho, oo laga soo saarey go’aano muhiim ah.

Madaxda oo soo saarey jadwal cusub, ayaa isla meel dhigay in doorashada xubnaha aqalka sare ay dhacdo 25-ka July, 2021-ka.

Sidoo kale, doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa loo asteeyey mudada u dhaxeyso 10-ka August illaa iyo 10-ka September, 2021-ka.

Doorashada sida weyn loogga wada sugayo ee Madaxweynaha ayey hoggaamiyeyaashu ku heshiiyeen iney qabsoonto 10-ka October, 2021-ka.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale tixgelin siiyey dumarka, oo waxaa laga dhimey 50% khidmadda laga qaadayo haweenka u sharraxan baarlamaanka.

Arrinta Gedo, ayaa iyana waxaa loo saarey guddi dibu heshiisiin, oo uu magacaabay ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here