XIRSI XASUUQII UU KALSHAALE KA GEYSTAY WUU ILAAWAY ASKARI 1988 DHINTAYNA WUU U CALAACALAYAA

xirsi iyo kalshaale

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Xirsi Xaaji Cali oo shalay warsaxaafadeed uu qabtay Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyey inuu waqtigii Jamhadnimadda dilay askari goobtii ka habsaamay, isagoo muujinayey ka xumaansho.

Dhanka kale Xirsi wuxuu ilaaway Xasuuqii uu ka geystay degaanka Kalshaale, kadib markii uu si beelaysan oo aargudasho iyo dhulboob ku saleysan u weeraray dad shacab ah oo ceel xoolo ka waraabsanayey, falkaas oo uu fuliyey xiligii uu garwadeenka ka ahaa Maamulkii Siilaanyo.

Xirsi, isagoo GACANKU-DHIIGLE AH inuu dil ka hadlo, wuxuu xaqiiqsaday inaan cidina ku daba soconin Xasuuqii uu Kalshaale ka geystay iyo Haldoor degaamada SSC ee ugaadhsiga lagu dilay oo xiligiisii bilaabantay.

Masuul kasta oo Xirsi soo dhoweysta ama taageera waxaa u bilaabana dembi joogto ah, wuxuuna faraha la gelayaa dhiig, rabshadii iyo dhibtii khamiistii Somaliland ka dhacay waxaa sababay fitnadii iyo mudaraadyadii uu ku dhowaaqay, kuwo dambena wuu galaafan doonaa, Cabdiraxmaan Cirro-na wuu ka shalay doonaa inuu Xirsi macalin ka dhigto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here