Xisbi Xaakimkii Kulmiye maxaa geel la’aan ka muuqata

1
koore

Nin Geel badnaan jiray ayaa waxaa u kacay wiil xoolo-huni ah, kaas oo xoolihii Reerka mudo dhowr sanadood ah ku baabiiyey, beri dambe ayaa waxaa reerkii oo caydhoobay arkay nin ay odaygii saaxiib ahaan jireen, markaasu ku calaacalay alla GURIGII HEBEL MAXAA GEEL LA’AAN KA MUUQATA, hadda haddii ay dhab tahay hadalhaynta Xisbiga Kulmiye ee sheegaysa in Madaxweyne Muuse Biixi doonayo inuu Wasiir Saleebaan Yuusf Cali Xisbiga Kulmiye ku wareejinayo, waxaa kuu cadaanaysa in Dhaxalkii Madaxweyne Siilaanyo xoolo-huni u kacay oo XISBI XAAKIMKII AY DAD LA’AAN BA’ANI HAYSATO.

Ucimaamadista Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxay muujinaysa in Madaxweyne Muuse Biixi aanu dalka jeclay sida uu isaga qiiraysiiyo marka uu hadlayo, waayo? haday dhab ka tahay Somaliland uma quudheen qof uu ogyahay in aanu lahayn awood uu Somaliland ku hogaamin karo, iyadoo ay soo muuqdaan duruufo adag.

Somaliland waxay ku jirtaa marxalad ka khatar badan 1991, waxaa soo ifaysa Dawlad Soomaaliyeed oo ay ka go’an tahay midnimadda Soomaaliyeed, siyaasadeeda Somaliland ku wajahana waa inay beel beel iyo degaan degaan ula xiriirto, waxayna Somaliland ugu qorsheysan tahay sida Jubbaland ugu oqrsheysan tahay, Beelaha Harti waxay ula mid yihiin Gobolka Gedo, Beelaha Garxejis waxay ula mid yihiin Gobolka Jubbada Dhexe, halka degaamadii Kulmiye laga soo doortayna ay ula mid yihiin Gobolka Jubbada hoose, sidaasdarteed waxaa loo baahnaa in xooga laysugu geeyo diyaargarowga difaaca iyo mideynta Somaliland.

Waa nasiibdaro in la soo bandhigo Wasiir Saleebaan Yuusuf oo aan wax taageero ah ka haysan ama ka heli doonin degaamadiisa, taageerayaashii Xisbiga Kulmiye-na sii kala kaxaynaya, dalka inuu isku wado daayo Wasaaradii la baaxaadegaya, cadaaladiisuna gaarsiisan tahay inuu afar ceel ka qodo 2KM oo degaankiisa ah, iyadoo degaamo kale oo ka baahi badani jireen in Madaxweynihii soo cimaamado ama halgamayaashii Xisbiga lagu kalbaasho.

1 COMMENT

  1. hadalkaasi wuxuu ina tusaya in dhulbahante dhexdiisa is rabin isna doonayn laakiin doonayaan uun in aanu isaaq ahaan dusha ka xukuno.

    waxuu i tusaya in dhulbahante doonayn inuu doorkiisa ku yeesho somaliland oo madaxweyne nimada somaliland qabto.

    reerka samaroon kolku riyaale qabtay madaxweyne nimada way soo dhaweeyeen wayna raaceen.

    dee dhulbahante na sidii oo kalaanu ka filaynay inay yeelaan oo soo dhaweeyaan in musharaxa madaxweyne nimo nin iyaka ah loo dhiibo. nin u faa’ideeya una daneeya waxna tara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here