Xisbiga UPD dowladda Soomaaliya isku garab taagay go’aanka ay ka qaadatay khilaafka kala dhaxeeyo dalka Kenya

madaxweyne xasan

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Hormarka ee UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa war saxaafadeed kasoo saaray Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.

Xisbiga ayaa taageeray go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka kala dhaxeeyo dowladda dariska ee Kenya.

Xisbiga ayaa tilmaamay inuu garab taagan yahay dowladda Soomaaliya isla markaasna ay muqadas tahay ilaalinta xuduudaha Soomaaliya.

UPD ayaa Xukuumadda Soomaaliy ugu baaqay inay shacabka la wadaagto xogta dhabta ah ee sahminta Shidaalka laga helay deegaanada Soomaaliya.

Xisbiga ayaa Xukuumadda ugu baaqay in Daliisha Xisbiyada ay u aragto inay tahay sixitaan lagu toosinayo qaladaadka ay galeyso.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qodobada uu saaray xisbiga.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.