Xogta ninkii Soomaaliga ee Arbacadii weerarka ka fuliyey Darussalam oo la shaaciyey

Tanzania weerar somali

Xog cusub ayaa laga helayaa nin la sheegay inuu yahay Soomaali oo Arbacadii weerar dhimasho leh ka fuliyey agagaarka safaaradda Faransiiska uu ku leeyahay magaalada Darussalam ee dalka Tanzania.

Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay saddex sarkaal oo boolis ah iyo askari ilaalo gaar ahaa, kahor inta aanay ciidamada ammaanka toogasho ku dilin ninka weerarka soo qaaday.

Ilo-wareedyo amni ayaa maanta bixiyey xog ku saabsan ninka weerarka soo qaaday, waxaana magaciisa ay ku sheegeen Xamza Xasan Maxamed, oo ahaa 29 jir dhashay November 17, 1991-kii.

Xamza ayaa la sheegay inuu la dhashay sarkaal horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo bartamaha Soomaaliya lagu dilay dhowr sano kahor. 

“Booliska ayaa muddo ninka isha ku hayey ayaga oo tuhun weyn ka qaba, waxaana suurta-gal ah in carada uu ka qaaday korjoogteynta lagu hayey uu weerarka u fuliyey,” ayuu yiri il-wareed amni.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in Xamza uu mar tegay Soomaaliya, intii uu walaalkiisa ka dagaalamayey halkaas, kahor inta aan lagu dilin magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Warar kale ayaa sheegaya in laba wiil oo la dhalatay Xamza iyo hooyadiis ay mar ciidamada ammaanka Tanzania ku xireen magaalo ku taalla xuduudda Tanzania iyo Zambia, oo ay ku noolaayeen.

Dambi-baaraha guud ee Tanzania Simon Sirro ayaa horey u sheegay in weerarka ay suurta-gal tahay inuu xiriir la leeyahay dagaalka jihaadka ah ee ka socda dalka deriska la ah Tanzania ee Mozambique, halkaasi oo dalal badan oo African ah ay ku biirayaan isku dayga looga adkaanayo kooxda dalkaas ka dhisan ee la baxday Al-Shabaab.

Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn goobtii ay ka dhaceen qaraxyadii bishii August 1998-kii lagu weeraray safaaradda Mareykanka ee Darussalam.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here