Xooggaga Taliban oo jirdil u geystay weriyayaal

jirdil

Weriyayaal ku sugan Afghanistan ayaa sheegay in xooggaga Taliban ay u geysteen jirdil iyo xarig kadib markii ay damceen inay tebiyaan dad dibed baxayay.

Sawirro lagu baahiyay internet-ka ayaa muujinaya laba weriye oo ka tirsan wargeyska Etilaatroz, kuwaas oo dhaawacyo qaba Kadi markii lagu xiray caasimadda Kabul.

Mid kamid ah oo lagu magacaabo Taqi Daryabi, ayaa BBC u sheegay in lagu jirdilay saldhig boolis oo ku yaal caasimadda.

Arbacadii ayaa koox ka tirsan BBC waxaa loo diiday inay duubaan muuqaal ku saabsan dibed baxa.

Daryabi iyo sawir-qaade Nematullah Naqdi ayaa ku hawlanaa tebinta dibed bax ay Arbacadii dumar ka dhigeen caasimadda Kabul.

Kadib waxaa qabtay ciidamada Taliban oo geeyay saldhig boolsi, halkaas oo lagu garaacay. Saacado kadibna xabsiga ayaa laga sii daayay iyaga oo aan loo sheegin sababta loo xiray.

“Waxa ay i galiyeen qol iyagoo iga xiray gacmaha. Waxaan go’aansaday in aan iska cabin sameyn, waayo haddii aan sidaa sameyn lahaa waxa ay i gaarsiin lahaayeen jug culus. Marka dhulka ayaan seexdan,” ayuu yiri Daryabi oo u warramayay BBC.

Taqi Daryabi, bidix, iyo Nematullah Naqdi
Qoraalka sawirka,Taqi Daryabi, bidix, iyo Nematullah Naqdi

Waxa uu intaa raaciyay in 8 nin ay jirdilka u geysteen, qaarkoodna ay wejiga laag kala dhaceen.

“Waan suuxan, markaas ayayna iga joojiyeen garaaca. Waxa ay i geeyeen dhismo kale, halkaas ayayna iiga tageen,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Daryabi ayaa sheegay in marka xabsiga laga sii daayay uu dareemayay xanuun badan.

Nematullah Naqdi ayaa sheegay in xooggaga Taliban ay iskudayeen inay ka qaadaan kaameradiisa isla markii uu billaabay in uu sawirro ka qaado dibed baxayaasha.

“Mid kamid ah Taliban ayaa lugta iga saaray wejiga, waxaana uu igu riixay dhulka. Madaxa ayay iga laageen, waxaan moodayay inay i dili rabaan,” ayuu Naqdi u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Marka uu weydiiyay sababta ay u jirdilayaan ayaa waxa ay ugu jawaabeen: “nasiib baad leedahay haddaan qoorta lagaa jarin.”

Wakaaladda wararka Tolo ee ka hawlgasha Afghanistan ayaa sheegtay in mid kamid ah sawir-qaadayaasheeda uu Taliban u xirnaa muddo saddex saac ku dhaw.

Hay’adda u doodda xoriyadda saxaafadda ee CPJ ayaa sheegay in labadii maalmood ee la soo dhaafay Afghanistan lagu xiray ugu yaraan 14 weriye, kuwaas oo markii dambe la sii daayay.

Horraantii todobaadkan ayay ahayd markii ay Taliban shaacisay gole wasiirro kumeelgaar ah oo xukumi doona Afghanistan.

Wixii markaa ka dambeeyay waxaa la mamnuucay dibed baxyada, kuwaas oo lagu tilmaamay sharci darro ilaa inta oggolaansho laga helayo wasaaradda cadaallada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here