Xubno ka soo jeeda Jeegaanta oo gacan-maroojis ku bilaabay M Muuse, Maxay doonayaan?

muuse buurmadow xaashi

Xubno ka soo jeeda Beelaha Jeegaanta lagu naaneyso ee Xisbiga Kulmiye taageera ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku bilaabay, gacan-maroojis iyo jujuub ay ku ogolaysiinayaan inuu hogaaminta Xisbiga Kulmiye iyo Musharaxnimadaba uu ku wareejiyey.

Xubnahani waxay aaminsan yihiin in Xisbiga Kulmiye labo beelood leeyihiin oo ay iyaga markooddii tahay, xaqna u leeyihiin oo lagu wareejiyo, halka inta badan Xisbiga Kulmiye uu aaminsan yahay in aanay suurtagal ahayn in mar dambe si beelaysan laysugu wareejin Xisbiga, taasoo haddii ay dhacdo ay u arkaan inay burburinayso Xisbiga Kulmiye iyo Dimoqraadiyada Somaliland, sidoo kale waxaa dalku noqonayaa meel labo beelood u xeshiisiiyeen, sidaas darteed ay waajib tahay in xubnaha beelaha kale la siiyo fursad ay isku sharaxaan.

Haddii ay dhacdo in mar dambe beelaha jeegaantu ay si beelaysan Xisbiga Kulmiye isugu wareejiyaan, waxaa baabi,i doonaa Xisbinimaddii iyo Dimoqraadiuyada Somaliland, waxayna xoojin doonta xilaafka Beelaha iyo kala fogaanshaha, iyadoo beelaha Hartina ay xaq u yeelan doonaan inay ka tashadaan ka mid ahaanshaha dal iyo degaamo reero gaar ahi u tashadeen.

Xubnaha gacan maroojinka ku xoogsanaya ayaa beryahanba waday eedaymo, dhaqdhaqaajinta Odeyaashe iyo shir beeleedyo lagu Arw kacsanayo.

BOQOR CISMAAN BUURMADOW AYAA U MUUQDA INUU U BANBAXAY GACAN MAROOJISKA, HALKA MAXAMUUD SHAAHI WASIIRKII HORE EE MADAXTOOYADA LAGU TILMAAMAYO INUU YAHAY NINKA KA DAMBEEYA FALKAN AABAHA U AH, IYADOO HADDA AY ISA SOO TARAYSO FEKERKA AH INAY ISKU XIRAN YIHIIN NABADA CEEL AFWEYN IYO WAREEJINTA XISBIGA KULMIYE, ARINTAN OO AH XANTA UGU WEYN EE HARGEYSA KA JIRTA.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.