Xubno tirsanaa Al Shabaab oo howlgal lagu laayey

AlShabaab drone

Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey howlgallo ay ciidamada dowladda ka sameeyeen tuulooyin dhowr ah oo hoos-yimaada deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dirir ayaa tilmaamay in howlgalladaasi oo ahaa kuwa qorsheysan si gaar ah looga fuliyey tuulooyinka Buulo-Urunji iyo Busley, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa shaaciyey in howlgalladaasi milatari ay ku dileen ugu yaraan illaa 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuun intaasi ku daray inay gubeen doonyo ay isaga kala gudbi jireen webiga Shabelle ee mara Janaale iyo degaanada kale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi ay dowladdu sheegatay inay khasaare badan ku gaarsiisay.

Maalmihii dambe ciidamada huwanta ee xoojiyey howlgallada ay ka wadaan gobolka Sh/ Hoose oo ka mid ah gobollada ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here