XULKII GHANA OO KOOBKII ADUUNKA KA HARAY IYO TABABARIHII OO ISCASILAY

Tababarihii xulka Ghana Otto Addo

Tababarihii xulka Ghana Otto Addo ayaa is casilay ka dib markii xulkiii uu hoggaaminayey ee Gahana ay ka hareen Koobka Adduunka ee haatan ka socda dalka Qatar.

Ninkan oo 47 jir ah ayaa jagada ka ga dambeeyey tababarihii hore ee xulka Milovan Rajevac oo jagada laga qaaday bishii February ee sanadkan.

Otto Addo ayaa sidoo kale ayaa tababara koxda Jarmalka ee Brussia Dortmund.

“Mar walba waan iscasili lahaaxitaa haddii aynu u soo baxno koobka Adduunkaoo aan qaadno” ayuu yiri.

“Kubbadda cagtu way qurux badan tahay, mararka qaarna wey fool xun tahay, maanta annaga wey noo fool xun tahay ..waa in aan wax ka baranaa anigana aad ayaan u hubaa in aan wax ka baran doono mustaqbalka “ ayuu hadalkiisa ku soo koobay.

“Waa caddaan iyo madow kubbadda , maanta madowgii ayaa nagu beegmay” ayuu sii raaciyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here