Xuquuqda dumarka ayuu u doodaa wuxuna shukaansaday 335 haween ah

sunder ramu

Sunder Ramu oo ah jilaa, nin gaadda-ka-ciyaarka caan ku ah isla markaana sawirqaade ah sanadihii la soo dhaafay wuxuu shukaansaday 335 haween ah. Balse wuxuu sheegayaa weli inuusan gaarin yoolkiisii ahaa 365 haween ah inuu shukaansado.

Ninkan oo ah mid ay xaaskiisu kala tageen ‘oo aan jaceylka ku wanaagsaneyn’ ujeedkiisa ma ahayn oo keli ah inuu qofkii jaceyl la wadaagi lahaa uu helo.

“Aniga waxaan ahay nin jaceylka wax ka yaqaanno. Maalin walbana waxaan raadiyaa haweneydi aan jaceyl la wadaagi lahaa balse fikirka ka dambeeya inaan shukaansado 365 haween ah ma aha inaan helo haweeneydi aan nolosha la wadagi lahaa,” ayuu yiri.

“Waxaan anigu sameynaya ayaa wuxuu yahay inaan sare u qaado waciyiga ku aaddan xuquuqda haweenka ee Hindiya,” ayuu yiri.

Jilaagan ruwaayadaha dhigi jiray ka hor inta uusan u wareegin aflaanta afafka Tamil iyo Malayan ku baxo wuxuu mashruucan billaabay 1-dii Jannaayo 2015-kii.

Wuxuuna boggiisa Facebook uu ku soo qoraa sheekooyin ku saabsan haweenka uu soo shukaansaday oo isugu jira haween da’ ah, jilayaal, kuwa nadaafada ka shaqeeya, moodooyinka (models), macallimiinta jimicsiga, kuwa u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dadka, siyaasiyiin iyo qaar kale.

Sunder Ramu oo ayeydii oo 105 jir ah la sawiran
Qoraalka sawirka,Sunder Ramu oo ayeydii oo 105 jir ah la sawiran

“Waxaan ku soo barbaaray qoys dumarka si weyn looga qaddariyo si wanaagsanna loogula dhaqmo. Waxayna da’deydu waxbarasha gaartay xilli ay ay jirin faquuq dhinaca jinsiga ah oo wiilasha iyo gabdhaha u dhaxeeya. Balse marki aan noolasha caadiga ah billaabay waxaan ogaaday inuu faquuq jinsi oo laga argagagxo inuu jiro,” ayuu yiri.

Howsha u ololeynta xuquuqda haweenka inuu billaabana waxay ku dhalatay dhacdadii foosha xumeyd ee December 2012-kiidhacday oo gabar bas saarneyd kufsi wadareedka loogu geystay magaalada Delhi.

“Calool xumo weyn ayey arrintaa igu abuurtay. Habeenna badanna kama seexan.” ayuu yiri.

Marka aan xilliyada fasaxa dibadaha aado, dadku waxay i weydiiyaan, “Maxay shacabka Hindiya haweenka sida xun ula dhaqmaan”?

“Marweliba waxaan ka fikirnaa dhibaatadaa wax ka qabashadeeda iney cid gaar ah saaran tahay, sida dowladda ama hay’adaha aan dowliga ahayn. Balse anigu waxaan ka fikiray si isbeddel uu u yimaaddo aniga door noocee ah ayaa igaga aaddan?”

Waana halka fikirka inaan 365 haween ah aan shukaansado uu ka yimid.

Sunder Ramu oo shukaansi ku jiro
Qoraalka sawirka,Jilaagan dadka uu la sheekeystay waxaa ka mid ah haweeneydan sawirka kula jirto oo ka mid ah dumarka ka shaqeeya nadaafadda guri uu degganaa

“Raggu waa in laga dhigaa qayb ka mid ah xalka. Marka ay shukaansi tagayaanna fikrado khaldan ayey la shir tagaan balse haweenku dadka caadiga ah ayey la mid yihiin oo qofba qofka kale wuu ka duwanaan karaa, ” ayuu yiri.

“Markasta oo aan soo bandhigayo sheekooyinka ku saabsan haweenka aan soo shukaansaday waxaan isku dayaa inaan dadka ugu gudbiyo farriin ah isku day jinsiga kale inaad ka war doonto waxaad si weyn u fahmeysaa dhibka ugu weyn ee haysta jinsiga adiga kaa duwan,”

Sunder Ramu mashruuca inuu 365 haween ah uu shukaansado wuxuu booggiisa Facebook uu ku shaciyey 31-kii Decemebr 2014-kii.

Sunder Ramu
Qoraalka sawirka,Sunder Ramu oo atairisha caan ah la sawiran

Haweeneydii 10-aad markuu shukaansigeyga marayo ayey warbaahinta dalka Hindiya xogteyda heshay kaddibna shaacisay, wixii intaa ka dambeeyeyna casuumaad badan ayaa dhanka haweenka iiga imanayey. Waxaana la ii bixiyey magacyo ay ka mid yihiin ‘Boqorka Shukaansiga’, ‘Ninka shukaansaday 365 haween ah’ iyo ‘ninka shukaansiga badan’.

Sunder tani iyo marka uu billaabay mashruuciisaa shukaansiga wuxuu shukaansaday haween waddama badan ka soo kala jeeda sida Vietnam, Spain, Faransiiska, Thailand iyo Srilanka. Magaalooyin badan oo ku yaalla dalka Hindiya wuxuu ku tagay safar uu kula kulmayo haween uu shukaansado.

Sunder Ramu
Qoraalka sawirka,Sunder Ramu haweenka uu shukaansaday waxaa ka mid ah haweeneydan la sawiran oo Ireland ka soo jeedda da’deeduna tahay 90 jir

Sister Loreto oo Ireland u dhalatay waxay ka mid ahayd haweenka aan weligood guursan ee ku jiray kaniisadda Chennai.

“Da’deeda 90-yada ayey cagacageyneysay waxay ii sheegtay shukaansiga na dhex maray inuu ahaa kii noolasheeda ugu horreeyey. Dalka Hindiyana waxay timid iyada oo ay da’deedu ahayd 90 jir si ay ugu biirto haweenka kaniisadda iisu dhiibay.”

Sunder wuxuu sheegay inuu markii hore qorshahiisu ahaa sanad gudahii inuu 365 haween ah uu ku shukaansado, balse daadad fatahay November 2015-kii ayuu qorshahiisa hor istaagay. Sanadkii xigay ayuuna howshiisa dib u billaabay.

“Laakiin waxaan aaminsanahay wax kasta iney bar billow leeyihiin. Wax weliba hal habeen ama degdegga aad u qorsheysay kuma hirgalayaan. Waxaana laga yaabaa howsha aan wado iney dhowrka jiil oo soo socdana ay sii wadaan, balse waa ineynu innagu wax un billowna si ay halkaa uga sii socdaan” ayuu yiri Sunder Ramu oo jilaaga 335 dumarka shukaansaday ee donayo inuu tirada gaarsiiyo 365.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here