Yaa ku aasnaa qabuuraha 3,000 oo sano jira ee laga helay Masar?

qabuuro masar

Khubarada ku rakhasusay taariikhda dadkii hore iyo cilmibaarista aasaarta ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay abuuro iyo macbad laga helay magaalada Saqqara, oo ah meel taariikhi ah oo ku taalla dalka Masar, gaar ahaan duleedka koonfureed ee magaalada caasimadda ah ee Qaahira.

Warka ku saabsan qabuuraha iyo macbadka 3,000 oo sano jira ee la helay ayaa soo baxay maalintii Sabtida, haddana waxay aqoonyahannadu ka hadlayaan xogta la xiriirta dadkii ku aasnaa 50-ka qabri ee la helay.

Mid ka mid ah qabuurahan waxaa laga soo saaray nin askari ahaa xilligaas, waxaana isla qabrigiisa kula aasnaa hubkiisa – oo faas ah.

Waxyaabaha kale ee la helay waxaa ka mid ah maaskarooyin, kabo laga sameeyay alwaaxyo iyo warqado kuwii xilli hore la isticmaali jiray ah oo ay qoraallo ku xardhan yihiin.

.

Qalab lagu ciyaaro oo ay aad u jeclaan jireen masaaridii hore ayaa lala aasay naxashyada ay meydadka ku jireen, iyadoo dadka aasayay ay aaminsanaayeen “in ay kuwa dhintay ciyaari doonaan marka la gaaro aakhiro”.

Khabiirka hoggaaminaya howlgalka cilmi baarista loogu sameynayay qabuurahan ayaa sheegay in dadkii xilligaas jiray ay aaminsanaayeen in “qof walba oo ciyaarta qalabkaas loo adeegsada ku guuleysta uu gali doono jannada”.

Masar ayaa si joogto ah looga helaa naxashyada taariikhiga ah ee aasnaa kumannaanka sano. Dhowr jeer oo hore ayaa la helay qabuuro kuwan la mid ah oo qaarkood la sheegay in ay aasnaayeen in ka badan 4,000 oo sano.

Waxaa ka mid ah qabri la helay dabayaaqadii sanadkii 2018-kii oo uu ku aasnaa baadari ka tirsanaa wadaaddada boqortooyadii hore ee Masar, oo lagu magacaabi jiray Wahtye.

.
Qoraalka sawirka,Sawir gacmeedyo midabbo kala duwan leh iyo taallooyin muujinaya qaar ka mid ah faraaciintii Masar.

Bishii November ee sanadkii lasoo dhaafayna waxaa Ahraamta Saqqara agtooda laga soo saaray in ka badan 100 naxash oo ay ku aasnaayeen dadkii hore ee ku noolaan jiray Masar.

Dabayaaqada sanadkan ayaa la filayaa in masar daaha looga furo madxaf laga dhisay ahraamta.

Dalxiiska oo ah isha ugu weyn ee uu kasoo xaroodo dhaqaalaha dalka Masar ayaa si tartiib tartiib ah usoo kabanaya kaddib markii uu hoos u dhac weyn ku timid tan iyo xilligii uu xukunka qabsaday Cabdifataax El-Sisi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here