Yaa sugaya amniga doorashooyinka ka dhacaya maamul-gobaleedyada?

doorasho soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa wada diyaar garow xooggan oo la xiriira sugidda amniga doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dhawaan inkasta oo aan wali heshiis laga gaarin hannaanka doorashooyinka .

Si loo adkeeyo amniga doorashooyinka ayaa dowladdu sameeysay gudi lagu magacaabo guddiga amniga doorashooyinka heer qaran ee 2021, kaas oo uu guddoomiye u yahay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Yaa sugaya amniga doorashooyinka ka dhacaya magaalooyinka maamul gobaleedyada?

Afhayeenka afhayeenka booliska Soomaaliya, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa BBC-da u sheegay in aaney jirin xaruun doorasho oo si gaar ah ay ciidamada dowladda federaalku amnigeeda u sugayaan hase yeeshee waxaa uu xusay in ay jiri doonaan guddiyo amni oo isku dhaf ah oo ka wada shaqeyn doona amniga magaalooyinka la filayo in doorasho ay ka dhacdo .

“Ma jirto xaruun doorasho oo si gooni ah boolisku federaalku ummaamulayo maadama uu gudiga amniga doorashooyinku yahay hay’addo wadaag ah oo isku dhaf ah “ayuu yiri Sadiiq Aadan Cali afhyeenka booliska Soomaaliyeed.

Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay in muhiimaddu tahay sugidda iyo xaqiijinta amniga doorashooyinka si taas loo gaarana waxaa uu tilmaamay in xoogga la saari doono qorshayaal kale oo haddaba uu sheegay in ay bilow yihiin kuwaas oo la xiriira amniga doorashada loo madlanyahay hase yeshee aan wali la isu waafaqin qabashadeeda.

Inkasta oo aan wali lagu heshiin hannaanka loo qabanayo doorashooyinka Soomaaliya haddana ciidamadu waxaa howshoodu ku ektahay sugidda amniga dadka iyo deegaannada ay doorashooyinku ka dhacayaan ,

“Guddga amniga doorashooyinka heer qaran ee 2021 waa guddi amni oo dadkii shaqada qaban lahaa iyo siyaasadihii amniga iyo sida loo jaangooyen lahaa dadkii meesha isugu imaan lahaa loona sugi laha aamnigooda waaye howsheenu marka innagu wax siyaasad ah raad kuma lihin waana naga mabnuuc kaliya meelaha doorashooyinka loogu tala galay dhanka amniga ayaan ku shaqo leenahay” ayuu yiri Mr Doodisho.

Yaa sugaya amniga ergooyiinka doorashada Soomaaliya?

Horey madaxda Soomaalida waxay ku heshiiyeen in marka kale dalka ay ka dhacdo doorasho dadban taasoo ka dhigan in ergooyiin la soo xulay ay dooran doonaan xildhibaannada barlamaanka.

Halkii kursiba, musharrixiinta ku tartameysa waxaa u codeyn doona 101 qof, waxayna ka dhigan tahay in tirada guud ee codeynaysa ay gaareyso 27,775 Ergo.

Doorashadii dhacday sannadkii 2016, waxa kursigiiba u codeeyay 51 ergo, waxayna tirada guud gaareysay 14,025 oo qof.

Tobannaan ka mid ah ergooyinkii codeeyay doorashadaas ayaa lagu dilay magaalooyin kala duwan afartii sanno ee la soo dhaafay, kuwa badan oo ka mid ahna wadanka way ka carareen, halka boqollaal kale ay markii dambe cafis weydiisteen ururka Al-Shabaab si ay uga nabad galaan ugana badbaadaan dil.

2019 kii, Al-Shabaab waxay dhowr goobood oo kala duwan oo ku yaala Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku soo bandhigtay boqollaal qof oo ay ku sheegtay in ay ka tirsan yihiin ergooyinkii iyo nabadoonnadii soo xulay ama ka qaybgalay doorashadii 2016-kii, kuwaas oo ay ku tilmaantay inay ka tawbad keeneen fal gaalnimo ah oo ay ku dhaceen isla markaana ay balan qaadeen inaanay dib ugu laaban doonin doorasho kale.

Damaanadda dhanka amniga ergada

Dad badan ayaa is weydiinaya cidda damaanad qaadaysa amniga ergooyinka wax dooran doona iyo nabadoonnada ergooyinka soo xuli doona ee doorashada hadda la filayo, kuwaas oo tiro ahaan ka badan kuwii 2016.

Nabadoon Maxamad Xasan Xaad oo ka mid ah hogaamiyayaasha dhaqanka ayaa rumeysan in la dayacay amniga ergooyinkii wax doortay sannadkii 2016-kii, taas oo ay ahayd in dawladdu masuuliyad gaar ah iska saarto.

“Horta in ILAAHAY qadaro dhimashada iyo nolosha labadaba marka laga reebo, wax dadaala oo aan isleeyahay dawladda way u diyaarsan yihiin ama ergooyinka laftigooda oo horey uga fikireen ma jirto, marka dadkaas waxan ku aqaana si hawtul hamag ah ay Meesha ku tagaan.

“Ka dib markay xildhibaannada doortaan dee culeyskeedey leedahayo, markiiba waxay la kulmaan werwer iyo cabsi iyo wax aan la xisaabi karin oo amaan darro ah,” Ayuu yiri nabadoon Xaad.

Balse booliska Soomaaliya oo u xil saaran amniga guud ee doorashooyinka ayaa ku adkeysanaya in ay diyaar u yihiin inay ilaaiyaan amniga cid kasta oo ku lug yeelan doonta doorashada soo socota.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Sidiiq Aden Cali, ayaa BBC Soomaali u sheegay in uu socdo qorshe ballaaran oo dhinaca amniga ah oo ku aadan doorashada iyo dadka ka qaybgalaya.

“Hadda waxan wadnaa qorshe, kulama wadaagi karo qorshuhu siduu wada yahay, wajiyadiisa iyo sida hannaankiisu wada noqonayo, laakiin waxan kuu sheegi karaa in amniga qorshihiisa uu meel fiican marayo.”

Khubarada amniga ayaa rumeysan in casharo muhim ah laga baran karay wixii qabsaday ergooyinka ee lahaa dilka handaada iyo caga jugleynta ee uga imaanaysay Al-Shabaab.

Xuseen Macalin oo ah agaasimaha machadka Hiraal ee ka faalooda arrimaha amniga ayaa sheegay in casharada laga baran karay wixii dhacay ay ka mid ahaayeen inaan lagu laaban isla doorashadii 2016.

“Casharada laga baran karay waxay ahaayeen in doorasho aan noocan ahayn oo tirada intaan ka badan, oo aysan Al-Shabaab u suuragali karin in ay shakhsiyaad ay xogtooda ku kala fahmi karaan ama ku bartilmaameedsan karaan, in laga badiyo oo waxay ahayd in laga dhigo hal qof iyo hal cod – tii aan saxda ahayn mid u dhawdhaw – nasiib daro fursadihii iyo wixii la hayayba waxay ku soo gabagabeen in doorasho tii 2016-kii u eg lagu soo celiyo.

“Waxa kaloo laga baran karay in amniga dalka aad loo xoojiyo si aysan handaada Shabaab aysan u suuragalin oo Shabaab culeys ciidan iyo mid dhaqaale iyo mid kale oo owoodeedba la saaro,” Ayuu yiri Xuseen Macalin.

Hay’adaha amniga ayaa aaminsan in qaladaadkii dhacay wax laga bartay isla markaana qorshayaasha la dajiyay lagu saleeyay wixii horey loo bartay.

“Doorashada kaliya maaha mar walba. Yay tahay waajibkeen sugida amniga muwaadiniinta naftooda, maalkooda iyo dhamaan xasiloonida gayiga iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed?” ayuu yiri Gaashaanle Sidiiq Aden Cali.

Wuxuu intaa ku daray: “Marka maaha doorashadan oo kaliya. mar walba waa waajib na saaran, wayna jiraan casharo laga bartay doorashadii hore qaladaadkii dhacay, haddaba waxaan rajaynaynaa in sababta aan qorshayaasheenana u wadnay ay ahaayeen in aysan dhicin qaladaadkii oo intooda badan dhanka amaanka ka dhacay”.

Inkasta oo oo dowladdu ku jirto diyaargarowga amniga doorashada haddana wali khilaaf ayaa ka taagan qabsoomidda doorashada iyadoo dhowr jeer dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada ee ay soo saareen guddiga doorashada oo isaga qudhiisa muran ka taaganyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here