CADEYMO MUUJINAYA XIRIIRKII HORE EE CISMAANIYIINTII TURKIGA IYO SOOMAALIDA

xiriir hore turkey iyo soomaalida

Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibada dowlada Soomaaliya dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay kaas oo soo bilowday sanadkii -kii 2010-kii ka dib gurmadii Turkigu u soo gurmaday dad Soomaaliyeed oo abaar adag ku dhufatay.

Wuxuu Turkigu Soomaaliya ka caawiyaa dhanka ciidamada iyo kaalmo dhaqaale oo uu ku kabo miisaanaayida dowladda iyo heshiisyo iskaashi amaan oo uu ugu dambayey kii ay la saxiixdeen dowladda kaas oo ay ku ilaalinayaan xeebaha Soomaaliya.

Laakiin waxaa jirta taariikh soo jireen ah oo qarniyo ku fac ah oo ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaalida, taas oo u kala qaybsan labo qaybood oo joogitaan ah.

Boqortooyadii Cismaaniyiinta ee ka talin jirtay qaybo badan oo ka mid ah caalamka ayaa saamayn ku lahayd xeebaha Soomaaliya qarnigii 16-aad.

Axmed Ibraahim Cawaale oo bare ka ah jaamacada Hargeysa isla markaana ah qoraa xaga taariikhda ah ayaa BBC-da u sheegay in qarniyadii 16-aad ilaa 19- boqortooyadii Cismaaniyiinta ee Turkigu ay joogitaan ku lahayd xeebaha Soomaalida, badda cas iyo Khaliijka Cadmeed.

Si la mid ah Cismaaniyiinta waxaa iyana xeebahaas kula loolamayeen quwado xiligaas u badnaa kuwa galbeedka oo ay ka mid ahaayeen, Ingrisiiska, Burtaqiiska iyo Itoobiyaanka.

Bilowgii qarnigii 16-aad ayuu Turkigu qabsaday Saylac isagoo eegayey Istaraatiijiyada ay leedahay uuna fursad ugu helo joogitankiisa albaabada marinka muhimka ah ee Baabul Mandab.

‘‘Ilaa qarnigii 19-aad waa si weyn loo dareemayey maamulkiisa Turkiga, wuxuuna lahaa joogitaan muuqda laakiin sanadihii 1873-kii ilaa 1884-lkii ayuu Turkigu raad muuqda ku yeeshay xeebaha Soomaaliya” ayuu BBC u sheegay taariikhyahan Axmed Ibraahim.

Dowladdii Masar oo qayb ka ahayd Boqortooyadii Cismaaniyiinta ayaa xiligaas si weyn u dareentay loolanka loogu jiray badda cas iyagoo soo nooleeyey Turkiga oo sheegan jiray badda cas.

‘‘Dowladii Ismaaciil Al-Khadawi oo ka talin jirtay Masar ayaa ogolaansho uga qaadatay dowladii Cismaaniyiinta si ay u qabsadaan xeebaha Soomaalida, laakiin heshiiska ayaa ku ekaa Seylac. Masaariduna waxay bixinayeen sanad kasta sideed iyo toban kun oo ganni. oo ay siinayaan Boqortooyada Cismaaniyiinta si ay u joogaan Seylac iyo xeebaha kale ” ayuu yiri Axmed Ibraahim.

Waxaa xusid mudan in ay Masaaridu xiligaas ahayd dowlad si qayb uga ahayd Boqortoodayada Cismaaniyiinta, haddana si uga yara madaxbananayd laakiin howlaha ay ka qabteen badda cas iyo xeebaha Soomaalida ayaa ah qayb loo tiriyo inay ka danbeeyeen boqortooyadii Cismaaniyiinta ee Turkiga.

Raadadka Cismaaniyiinta ee ka muuqda Saylac iy Berber

SOOMAALIYA IYO CISMAANIYIINTII
Qoraalka sawirka,Noobiyada ay Cismaaniyiintu ka dhiseen magaalada Berbera

Sida uu BBC-da u sheegay taariikhyahan Axmed Ibraahim, raadadka ugu badan ee wali muuqda ee ay ka tageen Cismaaniyiintu waxay inta badan ka muuqdaan Berbera.

‘‘Waxaa ugu horeeyey ay soo kordhiyeen waxay ahayd nidaam canshuur uruurin ah, ka hor inta aysan dekedaha imaan waxaa canshuuraha lagu qaadi jiray nidaam qabaa’ileed. Waxayna dajiyeen nidaam canshuureed, waxaa kale oo la oran karaa waxay adeegsan jireen gacan bir ah, mararka qaarna dadkii xeebaha joogay ay ka cowdeen” ayuu intaas raaciyey Axmed.

‘‘Sidoo kale waxay sameeyeen kaabayaal muhim ah oo ay ka hirgaliyeen Berbera, sida dekad yar oo ilaa hadda la isticmaalo, masaajidka la yiraahdo kan Turkiga, Noobiyad (musawac), xabsi, iyo isbitaal, waxaa kale oo xusid mudan mashruuca biyaha ee Berbera” ayuu yiri Axmed.

Magaalada Bulloxaar waxay si lamid ah ka dhiseen mashaariic kala duwan xeryo ciidan, dekad iyo noobiyad yar.

Sida la mid ah Berbera iyo Bulaxaar, Boqortooyadii Cismaaniyiinta ee Masaarida ka qayb ahaayeen waxay goobo muhima ka dhiseen degamada taariikhiga ah ee Seylac.

Dhismayaasha ay ka hirgaliyeen Seylac waxaa ka mid ah, dekad, Noobiyad yar iyo mashruuca milixa oo ah mid aqoon weyn iyo farsamo ay galiyeen habka loo soo saaro milixda deeganka Tokhoshi oo u dhow Saylac.

CISMAANIYINTA IYO SOOMAALIDA
Qoraalka sawirka,Dhismayaashii Boqortooyadii Cismaaniyiintu ka hirgaliyeen Bula xaar

Xirirka hadda ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Soomaaliya iyo Turkiga

Dowladda madaxweyne Erdogan ayaa sanadihii ugu dambeeyay xiriir dhow la lahayd Soomaaliya.

In ka badan toban sano kahor, markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo xilligaas ahaa raysal wasaare, ayaa booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho, wuxuu xilligaas noqday hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee aan Afrikaan ahayn oo booqda Soomaalida.

Xilligaas Soomaaliya waxay wajaheysay xaalad abaar oo ba’an, waxaana booqashada Erdogan ay Soomaaliya kusoo jiidday indhaha caalamka.

Muhiimadda Turkiga ee Soomaaliya ayaa xilligaas ahayd in gargaar bani’aaannimo uu gaarsiiyo dadka ay saameysay abaarta, oo ahayd tii ugu ba’neyd ee soo marta Soomaaliya muddo 60 sano ah.

Si ay u fududaato gargaarka la gaarsiinayo dadkaas, wuxuu Turkigu bilaabay inuu mashaariic waddooyin iyo kaabayaal kale ka hirgeliyo dalka, iyadoo safaaradda Turkigana laga furay Muqdisho.

Ururrada dowladiga ah iyo kuwa bulshada rayidka ee Turkiga ayaa gargaar bani’aadannimo gaarsiinayay Soomaaliya, iyagoo dhisayay iskuullo, deeq waxbarashadana siinayay ardayda Soomaaliyeed.

“Xiriirka labada dal wuxuu so billowday sanadkii 2011 ka dib booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Erdogan, halkaas waxaa ka billowday xiriir dhowr weji leh oo iskaashi dhanka horumarka, bani’aadannimada iyo baayac-mushtarka, dhaqaalaha,” ayuu yiri Cabdiweli Sayid oo falanqeeya arrimaha xiriirka caalamiha ah.

Wuxuu intaas ku daray in dowladda Turkiga ay waayadii dambe qeyb weyn ka ahayd dhisidda hay’adaha dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, ciidanka dolwadda.

“Sidaan ka war qabno Turkiga waxay Muqdisho ku leeyihiin saldhig weyn oo lagu tababaro ciidanka Soomaaliya ee qeybta weyn ka ah sugidda amniga dalka. Marka waa xirir dhinacyo badan leh, Tukriga iyo Soomaaliyana la dhihi karo wax badan ayay ku kala faa’iideen”.

Iyadoo Soomaaliya ay caawinaad badan ka hesho Turkiga, faa’iidana ay ku qabto, waxaa isna dhankiisa Soomaaliya faa’iido ku qaba Turkiga.

“Soomaaliya waa dal ku yaalla Geeska Afrika, kuna yaalla mandiqad istaraatiiji ah, isla markaasna qeyb ka noqon kara danaha Turkiga, siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga ee sii xoogeysaneysay tan iyo intii xisbiga talada haya ee dalka uu yimid.

“Soomaaliya waa dal muhiim ah. Dalal fara badan oo aan Turkiga ahayn baana jooga. Turkiga wuxuu uga duwan yahay in Soomaalida iyo Turkigu ay danahooda qaranka ay is waafaqayaan oo ay wax kala faa’iidi karaan. Halka laga yaabo in dalal fara badan oo Soomaaliya daneeya ay iska hor imaanayaan danaha qaranka ee Soomaalida, taasoo khatar ku ah dib u dhiska Soomaaliya,”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here