HOGAAMIYAHA MAAMULKA SSC-KHAATUMO OO U HAMBALYEEYEY CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYA

astaanta ciidanka Xoogga Dalka

Waxaan hambalyo u dirayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed oo u dabbaal degaya sannad-guuradoodii 64-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay 12-kil April 1960.

Ciidanka Xoogga Dallku waxay astaan iyo laf-dhabar jiritaan u yihiin Dawladnnimada Soomaliyeed.

Munaasabadda 64-guurada awgeed waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa sarreeyayaasha, saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifllayaasha iyo dablayaasha ciidanka Xoogga dalka, waxaana Allaah ugu baryayaa inuu ku guuleeyo waajibadka Qaran ee ay inoo hayaan.

Sidoo kale, waxaan salaan iyo hambalyo u dirayaa Ciidanka Difaaca SSC-khaatumo oo iyagu ah geesiyaal, halggamayaal iyo xaq-u-dirir dadka reer SSC-Khaatumo ay ku seexdaan, dedaalkooda iyo naf-hurkoodana ay ku heleen xasillooni iyo nabad isku hallayn leh.

Dhanka kale, annagoo ka faa’idaysanaynna horumarka tikonoolajiyadda ee qarnigan waxaan muddo aad u kooban ku hirgelinnay inaan dib u habayn iyo casriyeyn balaadhan ku samaynno ciidankeenna Difaaca SSC-khaatumo oo iyagu ah tiirka ugu muhiimsan Dawladnimada SSC-Khaatumo. Nidaamkan casriga ah ayaa noo sahlaya shaqada ciidanka sidoo kalana kor u qaadaya hufnaanta arrimaha ciidanka.

Waxaana ballan-qaadaynnaa inta aan talada joogno in Ciidamada kala duwan ee SSC-Khaatumo noqdaan kuwa leh tababbar sare, helaan xuquuq joogto ah iyo daryeel caafimaad oo tayo badan, islamarkaana aannu dedaal gelinno sidii ciidankeeennu u helli lahaayeen xuquuqaadka Dawladeed ee ay ku leeyihiin ciidamada qalabka sida ee heer Federaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here