Home Blog

GARAAD CABDILAAHI GARAAD SALEEBAAN WAA TIIR-DHEXAADKII HALGANKII IYO GUUSHA SSC

garaad claahi g saleebaan3

Illaahay baa ku mahadsan Garaadnimaddii Garaad Cabdilaahi Garaad Saleebaan oo Halgankii Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn la kowsatay, Garaadku wuxuu noqday udub-dhexaadka halganka iyo guusha, wuxuu muujiyey hogaamin, dulqaad, daacadnimo, iyo masuuliyad balaadhan. “Garaadka waxqabadkiisii 8-dii bilood ee halganka, doorkiisii midnimadda iyo kaalinta uu guusha ku leeyahay waa mid aan shacabka SSC ilaawi doonin oo uga mahadnaqayaan”.

Garaadku wuxuu noqday xariga isku haya midnimada Isimada iyo shacabka SSC, wuxuu ku guuleystay in si aan kala hadh lahayn ay Beesha Maxamuud Garaad dagaalka u galaan, wuxuu dhegaha ka fureystay cid kasta oo halganka xagal-daacinaysaa inay saameyn ku yeelato, wuxuu ka dheeraaday dhamaan talooyinkii iyo siyaasadihii ka soo burqanayey Maamuladda dhinacyadda ee caadadda ka dhigtay kala qaybin iyo dibin-daabyadda SSC, wuxuu ka fogaaday inuu ku dhaco hagardaamooyinkii uu cadowgu soo maleegayey, wuxuu qayb weyn ka qaatay ka hortagga iyo xalinta khilaaf kasta oo halganka wiiqi karayey, wuxuu Isimadda kale kaga duwanaa inuu markii loo baahdo uu xabadda wax ka ridayey oo dadkiisa qorigiisa ku difaacayey, fariimihiisii aan leex-leexa lahayn ee uu cadowga u dirayey iyo hal-adaygiisu waa mid aan shacabka SSC ilaawi doonin.

FAAH-FAAHIN DHULGARIIR KA DHACAY DALKA JABUUTI

dhulgariir jabuuti

Wararka ka imanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in guud ahaan dalka Jabuuti, caasimada iyo gobolada kaleba laga dareemay dhul-gariir dhexdhexaad ah oo cabbirkiisu yahay 5.2 magnitude.

Dhul-gariirkan ayaa dhacay saaka aroorti hore saacadu markay ahayd 4:22 xiliga Geeska Afrika.

Wararka hor-dhaca ah ayaa shegaya in dhul-garirkan oo heerkisu ahaa 5.2 aysan jirin dhismayaal ku bur-buray iyo wax dhimasho ama dhaawac ah uu geystay sida ay xaqijiyen hay’adaha cilmi barista dalka Djibouti CERD.

War ka soo baxay wasaaradda waxbaarashada ee dalka Jabuuti ayaa lagu shegay in ardayda dhamaan laga fasaaxay dhugsiyada waxbarashada.

Dhul-gariirkii ugu xoogganaa ee ka dhacay aagga Jabuuti

Magaalada Jabuuto oo kor laga sawiray

Sida laga soo xigtay bogga internet-ka ee hikersbay.com markii ugu dambeysay ee Jabuuti uu dhul gariir ku dhufto waxay ahayd 15 sano ka hor maalin Talaado ah, bishuna ay tahay Abriil 29, 2008 abaare 3:07 aroornimo. Dhul gariirkan ayaa cabirkiisa lagu qiyaasay 5 magnitude.

Dhul-gariirkii ugu xoogganaa ee ka dhacay aagga Jabuuti ayaa cabirkiisa lagu sheegay 6.2.

Dhulgariirkii ugu dambeeyay ayaa laga diiwaan geliyay dalka Jabuuti saaka aroorti.

Dhul-gariirradii ugu weynaa ee laga diiwaan geliyo Jabuuti waxay kala ahaayeen

Dhul-gariirradii ugu weynaa ee ka dhacay Jabuuti

Danan: 5-tii Maarso 1992 waxaa Danan ka dhacay dhulgariir abaare 9:55 subaxnimo maalin Khamiis.

Tadjoura: Maalin Sabti ah abaare 9:41 subaxnimo, taarikhduba ku beegnayd Maarso 11, 1961 kaas oo cabirkiisu ahaa 6.2 magnitude.

Cali Sabiix: Abaare 7:16 subaxnimo 4-tii Janaayo 1960 ayaa waxaa Jabuuti laga diiwan geliyay dhulgariir cabirkiisu ahaa 6.1 magnitude.

Tadjoura: Dhulgariir cabirkiisu ahaa 5.9 magnitude ayaa bishii Abriil 11, 1994 ku dhuftay Tadjoura abaare 1:20 duhurnimo maalin isniin ah.

Tadjoura: Maalin Axad ah oo taariikhdna ahayd Abriil 1, 1973 abaare 8:12 subaxnimo ayaa Tadjoura waxaa ka dhacay dhulgariir cabirikiisu ahaa 5.9 magnitude.

Dhanka kale dowladda Soomaaliya iyo hay’addo caalami ah ayaa soo saaray ka digniino la xiriira masiibo kusoo socota shan magaalo oo Soomaaliyeed, oo ay ku nool yihiin dad badan.

Magaalooyinkaas oo u badan kuwa teedsan xeebaha ayaa qaarkood horey waxaa uga dhacay masiibooyin la mid ah kuwa laga digayo.

Magaalooyinkaas ayaa ku kala yaala Somaliland, iyo kuwa Koonfur Soomaaliya dhaca. Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland wax war ah kama aysan soo saarin iyadu arrinkan.

Laakiin Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool koonfurta dalka, iyadoo uga digtay khatarta duufaanta ElNino ee ka dhalan karta roobabka xooggan ee la filayo.

Magaalooyinkaas waxaa ka mid ah Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo.

Maxaan ka ognahay duufaanta El Niño ee ay dowladdu ka digtay?

El Niño waa qaab cimilo oo qeexaysa kulaylka aan caadiga ahayn ee biyaha dusha sare. El Niño waxay saameyn ku leedahay heerkulka badda, xawaaraha iyo xoogga qulqulka badda. Dhacdooyinka El Niño waxay u dhacaan si aan joogto ahayn ama labo ilaa todoba sano gudahood. Waxa ay kalluumaysatada xeebaha Peru u aqoonsadeen in ay u egtahay biyo diirran oo aan caadi ahayn.

Magaalooyinka ay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Soomaaliya digniinta kasoo saartay ayaa waxa ay gaarayaan ilaa shan magaalo xeebeed oo ay kamid yihiin, Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo.

Mala saadaalin karaa dhulgariirka inta uusan dhicin kahor?

Khubarrada dhulka ayaa isku dayayay inay adeegsadaan qaabab casri ah oo lagu saadaalinayo dhulgariirka

Xaqiiqdii, sayniska saadaalinta dhulgariirka aad ayuu u adag yahay. Iyadoo aalaaba ay suurtogal tahay in la ogaado daqiiqad kadib dhacdada, waxaa adag in la ogaado calaamadaha laga eegayo dhulgariirka ee loo adeegsanayo saadaalinta.

Khubarrada dhulka ayaa isku dayayay inay adeegsadaan qaabab casri ah oo lagu saadaalinayo dhulgariirka tan iyo sanadihii 1960-meeyadii, balse wax guulo la taaban karo kama gaarin.

Sida ay qabaan khubarrada, tan waxaa loo aaneynayaa faham la’aanta hannaanka dhulka. Dhulka ayaa si joogto ah u sameeya dhawaaq, marka lagu daro tan aadmigu sameeyo sida gawaarida, shaqada dhismooyinka iyo nolosha maalinlaha ah, waxay adkeynayaan in la helo calaamado rasmi ah oo muuqda.

Sida ay qabto waaxda Geological Survey ee Mareykanka, saddex shey ayaa loo baahan yahay si loo saadaaliyo dhulgariirka: halka uu ka dhici doono, goorta uu dhici doono, iyo cabbirkiisa. Ila aiyo haatan, cidna sidaas ma sameyn karto xaqiiqdii.

Musiibadii dhowaan ka dhacday koofur-bari Turkiga iyo waqooyiga Suuriya

Taa beddelkeeda, khubarrada dhulka ayaa sameeya qiyaastooda ugu wanaagsan ee ku saabsan suurtogalnimada dhulgariir dhaca muddo sanado ah gudahood. Iyadoo qiyaastaas ay ka qeyb qaadato in qorshe la sii sameeyo sida hagaajinta dhismooyinka, haddana gacan kama geystaan saadaalin heer bulshada looga digo dhulgariirka si ay uga baxaan guryahooda.

Sidoo kalena dadka ku nool goobaha dhulgariirka dhammaantood ma heli karaan dhismooyinka iska celin kara dhulgariirka.

Saynisyahannada ayaa sidaa darted eegaya qaabab lagu sameeyo saadaalinta dhulgariirka oo sax ah. Waxay baarayaashu ku howlan yihiin dhinacyo badan sida dabeecadda xayawaannada iyo cilladaha korontada ee dhulalka sare.

Dhowaan, si kastaba, waxaa jiray in aad loo daneynayay awoodaha mashiinnada macmalka ah ee lagu ogaanayo calaamadaha dhulgariirka. Mashiinnadan ayaa falanqeyn kara xog ballaaran oo ku saabsan dhulgariirradii hore si ay u eegaan waxyaabo loo adeegsan karo saadaasha mustqbalka.

Saynisyahanno Shiinees ah, ayaa tusaale ahaan, sii baaray cillado koronto oo ku yimid sagxadda sare ee dhulka, maalmo kahor inta uusan dhicin dhulgariir. Koox uu hoggaaminayay Jing Liu oo ka tirsan Machadka Saadaasha Dhulgariirka ee Beijing ayaa sheegay inay baari karayeen cilladaha koronto ee sababay dhulgariirka ku dhuftay deegaanka Baja, ee gobolka California. Toban maalmood kahor inta aysan dhicin, horraantii April 2010.

Koox kale oo fadhigeedu yahay Israa’iil ayaa dhowaan sheegay inay awoodeen inay adeegsadaan mashiinnada macmalka ah si loo saadaaliyo dhulgariir baahsan oo dhaca 48 saacadood kahor iyadoo saadaashaas ay 83% run noqon karto.

XIGASHO: BBCSOMALI

WADDANKA MARTIGELINAYA KOOBKA KUBADDA CAGTA AFRIKA 2025-2027

koobka kubadda cagta afrika-2025-2027

Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta Afrika, Patrice Motsepe, ayaa hadda ku dhawaaqay waddanka marti-gelinaya Koobka Qaramada Afrika ee 2025 iyo 2027 (Afcon).

Sida la filayay, tartanka 2025 ayaa lagu qaban doonaa Morocco.

Waxa ay noqon doontaa markii labaad ee dalka kuyaalla waqooyiga Afrika uu martigeliyo tartanka isagoo markii ugu horeysay qabtay 1988.

Dalalkii kale ee 2025 (Algeria, Zambia iyo Benin / Nigeria bid) ayaa dhamaantood ku heshiiyey inay tartanka kabaxaan taas oo keentay in Morocco ay qaadato.

Waxay Morocco u ogolaan doontaa fursad weyn oo ay ku keeni karto Koobka Adduunka Afrika ee 2030-ka taasoo qayb ka ah dalabkooda wadajirka ah.

WASIIR C/RASHIID D QAMBI OO YEESHAY EEDA JABKII CIIDAMADDA SOMALILAND

muuse biixi iyo qambi

25 Ogoosto 2023 kadib markii Ciidamaddii Somaliland ay jamaahiirtu cagta mariyeen, Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu ku dhowaaqay inuu ka aargudayo iyo inuu Baarayo khaladkii dhacay. Bil kadib Muuse Biixi aargudashadii iyo Baadhistii laga sugayey waxay ku soo ururtay Wasiirkii Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi oo xilka laga qaado iyo dumar iyo dhalinyaro Reer SSC ka soo jeeda oo wiilashiisu Hargeysa ku dhibaateeyeen, waa caqli xumo xadkeedii dhaaftay oo aan horey Soomaali uga dhicin.

Beelaha Isaaq waxaa la gudboon inay gartaan inaan Madaxweyne Muuse Biixi Nabadgelyo qaadaneyn, colaadna aanu wax uga tarayn, dagaalka dambe ee uu bilaabaana uu noqonayo mid kii hore ee Dhuuma-badene ka khasaare xun, ka balaadhan, shacab iyo degaano badan saameyn doona, kana ceeb bata oo magac loo bixiya la waayi doono, sidaasdarteed si looga hortago guuldaro dambe oo uu idiin soo hooyo, iska hor leexiya oo nabadgelyo iyo wada noolaansho la qaata Maamulka iyo shacabka SSC Khaatumo, xusuusta Muuse Biixi Madaafoocdii iyo cadowtiminadii aad ugu sacabinayseen waxay burburisay wax wada lahaanshihii reer Waqooyinimaddii, iyo wax badan oo dadkan ka dhexayn jiray, intuu kursiga ku sii fadhiyana waa ka sii dareysaa.

AABBAHA SAYNISKA EE QURAANKU KU DHIIRIGELIYEY CILMIBAARISTA

Xasan Al haytham

Xasan Al-haytham wuxuu ku dhashay magaalada Basra ee dalka Ciraaq oo xilligiisii ka mid ahayd meelaha cilmiga lagu barto, sannadkii 965 miilaadiga wuxuuna ku dhinta magaalada Qaahira ee dalka Masar sannadkii 1040 oo ku beegnayd sannadkii 432-aad ee tirsiga Hijriga, sidaasna wuxuu ku noolaa 74 sano.

Xasan wuxuu dhashay sannado badan oo xisaabta iyo falsafada Islaamka shaqa badan laga qabtay. Wuxuu dhashay xilliga lagu magacaabo xilligii dahabiga ahaa ee Islaamka, markaas oo dawladdii Silaamku ahayd xarunta dhexe ee cilmiga caalamka.

Waxaa magaalooyinka Islaamka sida Baqdaad ku sugnaa aqoonyahanno ka kala socda caalamka sida Giriigga, Shiinaha, Hindiya, Faaris ooh adda loo yaqaan Iran iyo meela kale.

Waxaa la turjumay buugaag badan oo falsafada u badnaa kuwaaas oo ay qoreen mufakiriinta caalamka ee hore, afafka ugu badan ee wax lagasoo turjumi jirayna waxaa ka mid ahaa, Giriigga oo iyagu ku caan ahaa dhanka Falsafada.

Waxaa xarun u ahaa cilmiga xilligaas Magaalada Baqdaad oo ay ku tiilay maktabad baaxad weyn iyo sidoo kale magaalada basra ee uu Xasan ku dhashay, Sidaas darteedna wuxuu fursad u helay inuu wax ka barto aqoonyahanno heer calami ah iyo dhul nabad ah markaas oo ay ka taliso boqortooyadii Cabbaasiyiinta oo dhaxashay Umawiyiintii ka horeeyay.

Qormadan kumasoo koobi karno taariikhda Seynisyahankan Muslimka ahaa, balse waxaan ku eegaynaa qaar ka mid ah xilliyadii nolsha Xasan Al-haytham ugu xiisaha badnaa.

Ibn Al Haytham
Qoraalka sawirka,Xasan wuxuu sharxay sida ileysku kusoo gaaro isheenna, sidaasna waxaa loogasoo xigtay samaynta kaamirooyinka

Saameyntiisii ugu horreysay waxay ahayd barashada diinta iyo u adeegidda bulshada. Waqtigaas, bulshadu waxaa ka jiray fikrado badan oo iska soo horjeeda oo ku saabsan diinta oo uu ugu dambeyntii Xasan u horseeday inuu hakiyo barashada diinta. Taasi waxay keentay inuu u guntado barashada xisaabta iyo sayniska. Waxa uu ka soo qabtay jago deegaanka Basra oo uu ku dhashay, waxa uuna magac ku yeeshay aqoontiisa xisaabta.

Xilligaas waxaa jiray fatahaado dhibaatooyin ku hayey bulshadii Muslimka ahayd ee Masar oo ay ka taliso dawladdii Faatimiyiinta. Xasan wuxuu markaas sheegay inuu wax ka qaban karo fatahaadda wabiga Niil haddii fursad loo siiyo.

Waxaa lagu martiqaaday inuu la kulmo Amiirkii dawladdii faatimiyiinta, al-Hakim si uu magaalada Aswaan uga hir geliyo mashruuc biyoxireen ah. Si kastaba ha ahaatee, Xasan Ibnu Al-Haytham ayaa markii uu arkay baaxadda webiga iyo biyaha uu keeno waxaa usoo baxday in uusan hir gelin Karin mashruucaas.

Balse waxaa jira caqabad kale oo ahayd sidii uu ugu sheegi lahaa Amiirkii xilligaas oo ahaa nin aad u kakan isla markaana aan ‘maya’ jawaab u qaadan, in uusan mashruucaas hir gelin karin. Maadaama aysan shareecada Islaamku ogolayn in la maxkamadeeyo qof aysan maskaxdiisu saxnayn lana ciqaabi karin wuxuu keenay fikrad ah in uu iswaalo.

Wuxuu mataly qof aysan maskaxdiisu fiicnayn, waxaana taas awgeed la geeyay meel lagu ilaaliyo oo lamid ah waxa aynu hadda u naqaan xabsi guri.

Wuxuu halkaas ku jiray muddo qiyaastii 10 sano ah, balse wuxuu halkan ku samayn doonaa wax micne kale u yeela doona Sayniska, illaa culumada Sayniska qaar ka mid ah ay isag ugu yeeraan, “Aabaha Sayniska”.

Isha

Muslimka Aabaha Sayniska loogu yeero

Xasan markan wuxuu ku jiraa qol mugdi ah oo habeen iyo maalin isku mid yihiin, wuxuuna halkaas ugu jiraa si naftiisa uusan dhibaato ugu geysan dadkana u nabad geliyo maadaama loo haysto inuu yahay qof waalan. Balse kuma qasbana inuu daqiiqad kasta halkaas ku jiro maadaama uusan ahayn qof dembiile ah.

Xasan wuxuu u fiirsaday ilayska cadceedda ee meelaha duleela qolkiisa kasoo galaya wuxuun qolkaas ku dhex darsay dabeecadda ileyska iyo aragga. Wuxuu fahmay sida ay indhaheenu u turjumaan ileyska uguna badalaan sawir iyo in maskaxdu tahay halka arraggu ka yimaad ee aysan indhaha ahayn.

Wuxuu qoray buugiisa lagu magacaabo buugga aragga (Book of Optics) wuxuuna sidaas ku noqday qofka ugu horeeyay ee cadeeya waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin, in ileyski dhabbe toosan uu ku safri karo oo uusan leexan karin, qaabka araggu u shaqeeyo iyo alifidda kaamirada iyo shaqooyin kale oo badan.

Balse Xasan waxaa u dheeraa waxyaabaha sayniska ee uu soo saaray, inuu yahay qofka ugu horeeyay ee culumada saynisku ku tilmaaman inuu adeegsaday waxa loo yaqaan Qaab cilmiyeedka ‘Scientific Method”. Waa cadeynta xisaabeed iyo in si muuqata aad usoo bandhigto run ahaanshaha fkirkaaga cilmiyeed.

Tani waxay ka kooban tahay, sharraxaad, tijaabin iyo inaad ogolaato habka loo xaqiijinayo saxnaanshaha daraasaddaada, waana sababta loogu yeero “Aabaha Sayniska”.

Si kastaba ha ahaatee Xasan waxa uu ku caan baxay oraahyadiisa cilmi raadinta sida tan dhahaysa: “Xaqiiqa doonku ma aha qofka barta waxa ay qoreen dadkii ka horeeyay isaga, kadibna raaca hawadiisa kuna kalsoonaada waxa ay qoreen, balse waa kan ka shakiya waxa ay qoreen su’aal geliya waxa uu kasoo uruuriyay qoraalkooda, waa kan soo bandhiga doodihiisa iyo cadeymihiisa,” ayuu yiri Xasan Al Haytham.

“Haddii shaqada saynisyahanku ay tahay inuu runta raadiyo, hadaba waa inuu noqdaa cadowga wax walba oo uu akhriyo” Xasan Al Haytham.

Quraanka ayaa igu dhiiri geliyey Sayniska

Sida uu sheegay Ab. Halim Tamuri, barfasoore dhiga jaamacadda Malaysiya ee Kebangsaan, daraasaadka hore ee ku salaysan waxyiga rabbaaniga ah ayaa noqday hagaha fulinta cilmi-baarayaasha Islaamka. Intaa waxaa dheer, nuxurka Qur’aanka iyo axaadiistu waxay noqdeen arrimo horumariya kuna dhiiri geliya culimada dhaqankii hore ee mufakiriinta Islaamka marka ay cilmi raadinayaan.

Tani waxay ku dhacday xilligii Ibnu Al-haytham. Sanadihii waxbarashada hore ee Xasan intii uu yaraa, waxa uu ka bartay maadooyin la xiriira Quraanka iyo Axaadiista masaajidada ku hareeraysan Basra, oo u shaqayn jirtay xarunta aqoonta Muslimiinta.

Waxay taariikhyahannadu sheegaan inuu mid ka mid ah buugaagtiisa ku yiri, waxaa i dhiiri geliyey aayadda 17-aad ee suuratu Ghaashiyah “ Miyaanay eegayn sida geela loo abuuray”.

Waxaa laga yaabaa inaad taleefan ka akhrinayso qoraalkan isla markaana uu kaamiro leeyahay, waxaadse ogaataa inay tahay shaqadii Xasan Al Haytham ee buugiisa ilaysaka iyo aragga.

Waxay taariikhyahannadu sheegaan inuu qoray in ka badan sagaashan buug balse konton iyo dhowr oo kaliya lagu turjumay afka Laatiinka oo Carabiga iyo Giriigga ka dib lagu turjumay wax badan oo ka mid ah cilmigii dawladdihii Islaamku ay uruuriyeen qarniyadii dhexe.

ITOOBIYA: DAGAALLO WELI KA SOCDA GOBOLKA AXMAARADA

ethiopian army

Gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya waxaa weli ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad deegaanka ah, iyadoo magaalada taariikhiga ah ee Gonder ay ka socdaan dagaallo culus.

Maleeshiyaad deegaanka ah oo loo yaqaan Faano ayaa Axaddii gudaha u soo galay magaalada, taasoo keentay iska horimaad xooggan oo ay la galeen ciidanka.

Ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay iska caabiyeen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, ayna dileen in ka badan konton dagaalyahan.

Golaha xuquuqul insaanka ee Itoobiya ayaa ku eedeeyay maamulka inay sii wadaan xarigga aan sharciga ahayn ee ka socda caasimadda Addis Ababa. Iska horimaadka ayaa billowday bishii April ka dib markii maleeshiyaadku ay diideen in hubka laga dhigo, sida ay amartay dowladda.

DAYAX-GACMEEDKA OSIRIS-REX OO MAANTA SOO DEGISTIISA LA SUGAYO

osiris rex

Dayax gacmeedka lagu magacaabo Osiris-Rex ayaa laga ganay dhulka sannadkii 2016-kii, isagoo gaaray dhagaxa Bennu – malaayiin mayl ka dib si uu oogada sare ee dhagaxa uga qaado qaybo boodh iyo dhagaxyo yaryar ah.

Waxuu tan iyo markii bilaabay safarka dheer ee labada sano qaatay si uu dib ugusoo laabto Dhulka, kaas oo dhammaan doona saacado yar gudahood marka madax uu sido uu kuso dego doono dhulalka gobolka Utah ee Maraykanka.

Saynis yahano ka kala socda daafaha caalamka ayaa aad u xiiseynaya in ay daraasad ku sameeyaan shaybaarada la ururiyay, kuwaas oo ka jawaabi kara qaar ka mid ah su’aalaha ugu waaweyn ee ku saabsan sida nolosha dhulku ku bilaabatay.

Dayaxgacmeedka Osiris-Rex ayaa marka uu soo dejiyo madaxa sambalka sida, wuxuu sii wadi doonaa socdaalkiisa hawada sare – markan wuxuu u socdaa dhagax kale oo lagu magacaabo Apophis, halkaas oo loo qorsheeyay inuu kasoo laabto sannadka 2029.

DAGAALLO MAANTA KA DHACAY DULEEDKA BURCO IYO CEEL AFWEYN

ceelafweyn

Dagaal Beeleed culus oo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa maanta deegaanka Dhabar-mamac ku dhexmaraya Beesha Idareys ee Sacad Yoonis oo katirsan Beelweynta Garxajis iyo Baho-faarax Biciide oo Habarjeclo ah.

Dagaalka ayaa laga soo sheegayaa dhimasho iyo dhaawac badan oo labada dhinac kala gaaray.

Dhanka kale Degaanka Bali-Samater ee Duleedka Burco ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya ardaaga Reer Xuseen, Habaryoonis ee Garxajis iyo Beesha Ciise Muuse ee Habar Awal.

dhimashadda ayaa dhinaca Habar-Awal lagu sheegayaa 2 dhimasho ah iyo 6 dhaawac ah, halka dhanka Garxajis 2 dhaawac ah la xaqiijinayo.

TALLO KU SOCOTA MUUSE BIIXI IYO HABAR AWAL (SAYLICI KU WAREEJIYA)

muuse biixi iyo saylici

Habar Awaleey 6 sano ka hor waxaa dal iyo dad nabadda lagu wareejiyey Geesigii, Mujaahidkii iyo halyeygii aad ku faani jirteen oo wadateen Muuse Biixi Cabdi, wuxuu shacabkii ku bilaabay faan, dagaal iyo awoowayaashiin baan cayrsan jiray oo been ah, run baad moodeen oo ku raacdeen, sideedii bilood ee ugu dambeeyey wuxuu Madaafiic ku garaacayey Magaaladda iyo shacabka Laascaanood, duqayntaasi waxay meesha ka saartay intii badnayd wax kasta oo dadku isu ahaa ama ka dhexayn karayey, waxaa dhimatay oo aan dhici doonin siyaasad, is aamin iyo maamul Isaaq iyo Reer SSC wadayeeshaan, reer SSC Gorgortana kama gelayaan midnimadda Soomaaliyeed, Reer waqooyinimona waxba idin kulama raadsan doonaan.

Maanta waxaa idiin soo hoyatay ceeb, caydh iyo tallo xumo wiilkiinii Mujaahidka idiin ahaa idiin soo hooyey, meel aad wax ka qabataan ama wuxuu isagu ka hagaajin karaa ma jirto, haddii uu dareen iyo dadnimo leeyahayna waxaa isaga iyo idinkaba idiin banaan inuu xafiiska baneeyo oo Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Saylici ku wareejiyo xilka, taas oo ah wadada keliya ee Beelaha Isaaq ku kala badbaadi karaan.

Dagaalkii 25.08.2023 ee DHUUMO BADANE ee hubka laydiinkaga furtay waxaa ka xumeyd Dumarkii iyo Caruurtii mindiyaha sitay ee banaanka loo soo saaray, waxaa ka sii liita kabaha duuga ah ee Daahir Calasow ku deeqay, waxaas oo dhan waxaa ka daraan doona ceebta imaan doonta marka Muuse Biixi iyo idinku kursiga isku dhejisaan, Fursadda keliya ee idiin banaani waa Cabdiraxmaan Saylici aad xilka ku wareejisaan, badeedna dadka ku dhex dhuumataan.

JAAJUUS ITOOBIYAAN AH OO LAGU QABTAY DALKA MAREYKANKA

US Department of Justice headquarters

Nin u dhashay dalka Itoobiya oo ka howlgala waaxda cadaaladda iyo arrimaha dibedda Mareykanka ayaa la xiray, waxaana lagu eedeeyay inuu xogo sir ah si hoose ugu gudbinayay dalka Itoobiya.

Abraham Teklu Lemma oo 50 sano jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu xogaha sirta ah tan iyo bishii August u gudbinayay sarkaal lala xiriirinayo sirdoonka Itoobiya, sida ay sheegtay waaxda cadaaladda Mareykanka.

Waaxda ma aysan magacaabin dalka Afrika ee uu u basaasayay, balse wargeyska New York Times iyo wargeysyo kale oo ka soo baxa Mareykanka ayaa sheegay in dalkaasi Itoobiya yahay.

Waxaa uu Abraham wajahayaa sadex eedeymo oo ay kamid yihiin uruurinta ama gudbidda xogaha difaaca dalka Mareykanka.

Mr Abraham, oo xarigiisa la qarinayay ilaa Khamiisti, ayaa ah muwaadin u dhashay waddanka Itoobiya balse haysta dhalashada Mareykanka isla markaana deggan xaafadda Silver Spring oo ku taala gobolka Maryland ee dalka Mareykanka.

Ninkan ayaa lagu soo oogi karaa xukun dil ah hadii ay ku cadaato inuu u basaasayay dalka Itoobiya.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY