Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula qaatay hoyga uu ka dagan yahay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Taliye Odowaa ayaa wacad ku maray inay dib u furi doonaan waddooyinka ay go’doomiyeen maleeshiyada Al-Shabaab, kadib markii uu madaxweyne Lafta-gareen kala hadlay sidii ciidanka xooga dalku uga qeyb qaadan lahaayeen dib u furista waddooyinkaasi.
Odowaa ayaa sheegay in ciidanka xooga dalka ay bilaabi doonaan howl-galo ay dib ugu furayaan waddooyinkaasi go’doonka ugu jira Al-Shabaab, kuwaasi oo muhiim u ah isku xirka degmooyinka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa taliyaha ku bogaadiyay shaqada uu qaranka u hayo, isagoona hoosta ka xariiqay dadaalada uu muddooyinkii dambe uu galiyay howl-galada ciidanka xooga dalka.
Sida la xaqiijiyey taliye Odowaa ayaa amar deg-deg ah dul dhigay ciidamada xooga dalka qeybta deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, kadib kulanka uu la qaatay madaxweyne Lafta-gareen.
Odowaa ayaa ciidamada faray inay qaadan howl-galo ay dib ugu furayaan waddooyinkaasi, oo muddooyinkii dambe go’doon ugu jiray dagaalyahano ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.