Saraakiil ka tirsan DF iyo Ganacsato dhexdhexaadin u tegay Bohol

macalin maxamuud iyo sheekh shaakir

Waxaa deegaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud oo saldhig ay ka dhigteen Ciidamada Ahlu Sunna gaaray Taliyaha Ururka 6-aad ee Guutada 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka General Aadan Abshir Nuure Laba-Afle oo wehliyaan ganacsato, Odoyaal iyo Xildhibaan Cali Dhoof.

Sida ay ilo xogogaal ahi sheegayaan ujeedka wafdiga ayaa ah xal u helida dagaaladii ka dhacay Guriceel iyo deegaanka Bohol ee gobolka Galgaduud ee u dhexeeyay ciidanka Ahlu Sunna iyo ciidamada Galmudug oo garab ka helaya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mid kamid ah xubnaha gaaray Bohol, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in Sheekh Shaakir lagala hadli doono sidii xiisadda taagan loogu dhameyn lahaa wada-hadal maadaama uu sheegay inaan wax aan khasaaro aheyn laga dhaxlin dagaalkii ka dhacay Guriceel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here