Waa kuwee ragga hoggaaminaya xooggaga TPLF?

Debretsion Gabra Mikael tigree

Tan iyo markii ay soo rogaal celiyeen xooggaga Tigray ee dagaalka kula jira ciidamada Itoobiya, waxaa si weyn isha loogu hayaa ragga hoggaaminaya jabhaddaas qabsatay magaalooyiin kale oo badan.

Waxaan warbixin ku eegi doonnaa afar hogaamiye oo loo arko inay gacan weyn ka geysteen soo rogaal celinta xooggaga Tigray.

Debretsion Gebremichael

Debretsion Gebremichael
Qoraalka sawirka,Debretsion Gebremichael

Debrestion waa hogaamiyaha xisbiga xoreynta Tigray (TPLF), waxaa laga qabsaday magaalooyiinkiii uu ka taliyayay ee gobolka Tigray, waxayna si lama filaan ah isku seegeen Abiy.

Isaga oo markaas uun guursaday oo ilmo yar dhalay, ayaa Debretsion ka tagay waxbarashadiisii jaamacadda Addis Ababa, oo uu ku biiray TPFL si uu uga qayb galo dagaalkii 17 sannadood socday ee ururku kula jiray xukunkii Derg-iga ee hogaamiyihii Maarkisiga ahaa ee Mengistu Haile Mariam.

Wuxuu wasiir ka noqday xukuumadda markii talada laga tuuray Derg-gii ee talada ay qabteen isbahaysi xisbiyo TPLF awoodda ugu badan ku lahayd wixii ka horeeyey intaa Abi hogaanka la wareegin 2018.

Saaxiibkii oo ay aad iskugu dhaw yihiin jaalna ahaayeen oo la yidhaa Alemayehu Gezahegn ayaa sheegay in markii labadooduba ay tababar milatari ku dhamaysteen dhulka buuraleyda ah ee Tigray, uu ogaaday kartida farsamo ee saaxiibkii oo isna kula taliyey taliskii TPLF in Debretsion lagu daro ururka “farsamada”.

Alemayehu waxay la ahayd arin maal gal ah in Debretsion lagu daro ururkaas maadama oo uu ahaa qof maskax badan laakiin afgaaban oo “ciyaal magaalo ah” kuna kacaamay Shire oo haatan ay guul darro wayni ka soo gaadhay hogaamiyaha Tigray maadaama ay ciidamada federaalku ka gacanta ku dhigeen magaaladaas.

Sarreeya guud Tadesse Werede Tesfay

Waxaa la rumaysan yahay inuu yahay ninka hoggaamiya ciidanka difaaca Tigray. Sanankii 1958 ayuu ku dhashay dhashay magaalada Mekelle ee xarunta Tigray.

Muddadii u dhexaysay 2011 illaa 2013 waxa uu ahaa taliyaha ciidamada nabad ilaalinta ewe Qaramada Midoobay ka joogay gobolka Abyie oo ah deegaan shidaalka laga soo saaro oo ay isku haystaan Sudan iyo Koonfurta Sudan.

Sarkaalkan 63 jirka ah ayaa xilalkan kala duwan ka soo qabtay ciidamada Itoobiya.

Waxa uu kamid ahaa ku dhawaad boqol qof oo ay dowladda Itoobiya amartay in la soo xiro kadib markii uu bilowday dagaalka Tigray.

War laga soo xigtay dowladda Itoobiya ayaa sheegaya in Jenaraal Tsadkan Gebretensae uu kamid ahaa taliyayaashii dejiyay qorshihii ay 4-tii November 2020 TPLF ku weerartay Taliska Waqooyi ee horseeday duulaanka ciidamada Itoobiya.

Jenaraal Tsadkan Gebretensae

Jenaraal Tsadkan Gebretensae
Qoraalka sawirka, Jenaraal Tsadkan Gebretensae

Muddadii u dhexaysay 1991 illaa 2001, waxa uu ahaa taliyaha ciidamada Itoobiya. Waxa uu dowr weyn ka qaatay dagaalkii uu dalkiisa Itoobiya la galay Eritrea.

Wixii xilligaa ka dambeeyay waxa uu u weekday dhanka gacansiga, isagoo lagu tilmaamo inuu kamid yahay jeneraallada ugu hantida badan Itoobiya.

Waraysi uu warbaahinta u janjeera TPLF siiyay bishii May ee sanadkan ayaa waxa uu ku sheegay in ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu diiddan yahay “nidaamka federaalka ee Itoobiya.”

Waxa uu sheegay in dagaalka hadda ka socda Tigray uu ahaa mid laga baaqsan karay, balse dad uu ku tilmaamay “kuwo adeegsanaya Abiy” ay huriyeen colaadda.

“Tigray waxa ay leedahay illaa toban kun oo ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran, isla markaana muddo dheer la dagaallami kara cadowgeenna,” ayuu ku sheegay waraysiga uu bixiyay dabayaaqadii May ee sanadkan.

Getachew Reda

Afahayeenka TPLF Getachew Reda
Qoraalka sawirka, Afahayeenka TPLF Getachew Reda

Waa siyaasi saameyn weyn ku leh siyaasadda gobolka Tigray, haatan waa la taliyaha hoggaamiyihii gobolka Tigray ee gobolka laga qabsaday Debretsion Gebremichael.

Getachew Reda wuxuu ku dhashay dalka Itoobiya sanadkii 1974. Sidoo kale, wuxuu xubin firfircoon ka yaha golaha sare ee TPLF. Wuxuu wasiir kasoo noqday dowladdii Hailemariam Desalegn.

Getachew wuxuu ka baxay kuliyadda arrimaha sharciga ee jaamacadda Addis Ababa. Wuxuu bare ka noqday jaamacadda Mekelle ee ku taalla caasimadda Tigray.

Getachew Reda lama ogeyn halka uu ku sugnaa xilliggii ay ciidamada Itoobiya qabsadeen gobolka Tigray balse wuxuu soo shaac baxay dhawaan markii ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen halkaas.

Haatan waa afhayeenka TPLF waa nin si weyn warbaahinta uga warbixinayay maalmihii lasoo dhaafay dagaallada iyo dib u qabsashada Tigray.

Getachew Reda, ayaa sheegay in TPLF ay ku wajahan yihiin gobolka Amxaarada iyo dalka Eritrea si ay u baacsadaan waxa ay ku tilmaameen cadowgooda.

Wuxuu u sheegay in ujeedka ay uga golleeyihiin go’aankaas uu yahay inay meesha ka saaraan awoodda kooxihii dagaalka ka waday Tigray sideedii bilood ee lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here