Warbaahinta Turkiga ayaa ku andacootay in Turkigu uu gudaha dalka ku samaystay hannaan loogaga hortago gantaallada oo la mid ah midka Ruushka ee S-400.
Sida lagu sheegay warbixinnada ay baahiyeen warbaahinta Turkiga, Turkigu si guul ah ayuu u tijaabiyay hannaanka gantaallada loogaga hortago ee Siper kaas oo ay gudaha ku farsamaysatay.
Hannaanka difaaca gantaallada ee Siper ayaa waxa uu awood u leeyahay inuu qabto oo uu burburiyo gantaallada riddada dheer.
Warbaahinta Turkiga ayaa sidoo kale daabacday muuqaal muujinaya tijaabada hannaanka difaaca gantaallada taas oo ka dhaday gobolka waqooyi ee dalkaasi.
Warbaahinta maxalliga ah waxa ay isbarbardhigaysaa hannaankan Siper ee gudaha Turkiga lagu farsameeyay iyo midka difaaca gantaallada ee uu leeyahay Ruushka ee S-400.
Sanadkii la soo dhaafay, Turkigu waxa uu soo iibsaday gantaalka S-400 ee uu Ruushku sameeyo waxaana uga baxay balaayiin doolar, walow ay arrintaas aad uga soo horjeedday dowladda Mareykanka, markii dambana horseedday cuqabatayn uu Mareykanku soo rogay.
Hannaanka difaaca gantaallada ee S-400 ee uu sameeyay Ruushka ayey dowladda dalkaas keentay Turkiga.
Mareykanka ayaa sheegay in hannaankaasi difaaca gantaallada ee S-400 ee Ruushka uusan la jaanqaadi karayn tiknolojiyadda NATO halisna uu ku yahay gaashaanbuurta.
Mareykanka ayaa waxa uu Turkiga ka joojiyay diyaaradaha dagaalka ee F-35 muranka la xiriiri hannaankaas difaaca gantaallada awadeed, arrintaas oo Turkigu uu aad u maalgashtay.
Warbaahinta u janjeerta Madaxweyne Erdogan ayaa horumarka wax soo saarka difaaca Turkiga waxa ay ku tilmaameen “xorriyad uu qaranku gaaray”.
Dowladda Turkiga ayaa ku adkaysanaysay muhiimadda ay leedahay in gudaha ay hubkeeda ku farsamaysato si ay sare ugu qaado dowrka ay caalamka ka ciyaarto.
Sida ay khubaradu sheegayaanna, hannaanka difaaca ee Turkiga ayaa noqday hubka siyaasadda ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoan.
Sida laga soo xigtay Ismaaciil Demer, madaxa warshadaha gaashaandhigga ee waddanka Turkiga, hannaanka difaaca gantaallada ee Siper waxa uu difaaca dalka ka mid noqon doonaa wixii loo gaaro 2023-ka.
Wargeyska Milliyet ee gacansaarka la leh dowladda ayaa soo xigtay in khubarada gaashaandhiggu ay sheegeen in hannaankan difaaca gantaallada ee gudaha Turkiga lagu farsameeyay ay ka hortagi karaan gantaallada ridada dhaadheer.
Milliyet ayaa hannaankaasi Siper waxa uu ku tilmaamay inuu yahay S-400-ka maxalliga ah.
Warbaahinta qaranka Turkiga ee TRT ayaa iyana khubaro ka soo xigatay in hannaankan Siper uu balaayiin doolar oo dhaqaale ah soo gelin doono Turkiga.
Ankara ayaa waxa ay sheegaysaa in Turkiga uu Ruushka ka soo iibsaday hannaanka difaaca markii Mareykanka uu diiday inuu ka iibiyo midka dalkaas uu farsameeyo ee Patriot.
Saraakiisha Turkiga ayaa ku doodaya in waddanka Giriigga oo ka tirsan xulufada NATO uu samaystay hannaan difaac oo isaga u gaar ah oo lagu magacaabo S-300, hasayeeshee uusan Giriiggu toos uga soo iibsan waddanka Ruushka.
Maxay tahay muhiimmada Turkigu uu Mareykanka u leeyahay?
Milateriga Turkiga ayaa ah kan labaad ee ugu ballaaran ee Isbahaysiga NATO ee 30-ka dal ka kooban.
Turkigu waa xulufo muhiim ah oo uu Mareykanku leeyahay, goobta uu ku yaalna waa istaraatiijiyad gaar ah oo dalalka dariska la ah waxaa ka mid ah Suuriya, Ciraaq iyo Iiraan.
Turkigu dowr muhiim ah ayuu ka ciyaaray colaadda Suuriya, oo waxa uu hub iyo taageero milateri siiyay qaar ka mid ah kooxaha fallaagada.
Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxaa sii xumaanayay xiriirka Turkiga uu la leeyahay isbahaysiga NATO iyo dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.
Siduu u shaqeeyaa hannaanka difaaca gantaallada ee S-400?
- Gantaalladan ayaa leh raadaar la socda dhaqdhaqaaqa hawada, kaasoo marka uu wax khatar ah arko islamarkiiba xogta u diraya gaariga weyn ee ay gantaallada saaran yihiin
- Kaddib waxaa xiga qiimeyn lagu sameynayo waxyaabaha hawada lagu arkay iyo sida loo bartilmaameedsan karo
- Islamarkii bartilmaameedka la aqoonsado gaariga ay gantaallada saaran yihiin wuxuu amar ku bixinayaa in gantaal la rido
- Xogta ku saabsan meesha gantaalka lagu ridayo waxaa loo dirayaa gaariga sida ugu habboon u beegsan kara, hawada ayaana lagu fasaxayaa gantaalka
- Kadib raadaar kale oo loogu talo galay gantaallada la dira ayaa kusii hagaya bartilmaameedka loo waday