Maalmihii ugu dambeeyey siyaasiyiin badan oo reer Muqdisho ah ayaa cadho weyn ka muujinayey hadalo iyo falal uu ku kacayey Boqor Osman Aw Mohamud Buur Madow, taas oo ah mid Boqorka kaga gar-dharan yihiin, sababtoo ah.
- Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa WAR LAQABO XIISO MALEH, Boqorku wuxuu ku hadaaqay wixii Hargeysa iyo Burco laga aaminsanaa, maaha feker cusub, waxaa markhaati inoogu filan sidii naxariis darada ahayd ee biniaadanimada ka baxsaneyd ee dadkii Soomaaliyeed ee Sool iyo Sanaag deganaa loola dhaqmay.
- Boqorku wuxuu WUXUU AAMINSAN YAHAY IN NABADA IYO HORUMARKA MUQDISHO ay dhib ku tahay jiritaanka Somaliland, sidaasdarteed waa ku waajib inuu ka dagaalamo horumarkeeda.
- Boqorku wuxuu Muqdisho u yimid inuu siyaasiyiinta Koonfureed ee maalin walba ku hanjabaya 1991 baa lagu noqonayaa uu ka caawiyo inay Muqdisho Burburiyaan, taas oo ah talaabo uu isticmaalaan cidkasta oo cadow ku ah nabada Caasimada iyo Soomaaliya.
HADABA waxaa muhiim ah in siyaasiyiinta xanaaqsan ee ku qaylinaya Boqor Buur-Madow hala xiro ay ogaadaan in;
- Boqor Buur Madow uu xariif ku yahay sida looga faaiidaysto xariga, waana caado in Madaxweyne kasta oo Somaliland qabsadaa uu bilaha ugu horeeya jeelka dhigo.
- Buur Madow maanta wuxuu sheegta Boqor laakiin haddii Muqdisho xiro markuu Jeelka ka baxo wuxuu noqonayaa MUJAAHID BOQOR BUUR MADOW, wuxuu dhinac fariisanayaa Mujaahid Muuse Biixi iyo Mujaahid Maxamed Kaahin, caruurta Hargeysa iyo Burco waxaa taariikhda loogu dari doonaa berigii Mujaahid Boqor Buur Madow la xiray.
WAXAA HABOON in mar haddii dhagartii uu u yimid Muqdisho mudo yar ku fashilantay, soo dhoweyntii hore ee loo sameeyeyna ay khalad ahayd, aan shir iyo xaflad dambe looga yeerin, oo suuqa Xamar lagu sii daayo, dacwadna aan lagu soo oogin, mudo yar kadib wuxuu ku noqon doonaa kuwii soo dirsaday isagoo guuldareystay, sidaasdarteed hadalka Boqor Buurmadow maaha wax laysku mashquuliyo ama la buun-buuniyo.