Wargeysyada Carabta ayaa qoraalladooda iyo nuquladooda waxey kaga hadlayaan xaaladdaha suurta galka ah ee ka dhalan kara colaadaha haatan ka aloosan dalka Itoobiya, iyo marka lagu biiriyo ismaandhaafyada kale ee ka jira mandiqadda Bariga Afrika, isku dhaca xuduudaha ee Sudan iyo Itoobiya, iyo arrinta biyo xireenka.
Qoraayaasha Masaarida, ayaa diiradda saaraya saameynta colaadaha haatan ka socda Itoobiya ay ku yeelan karaan dhibaatada biyo xireenka, ee u dhaxeysa maamulka Addis Ababa, iyo labada maamul ee kale ee Khartuum iyo Qaahira.
Dhawr qoraa ayaa sidoo kale is barbar dhigaya hab dhaqanka ra’iisal wasaaraha Abiye Axmed, ee ku aadan sida uu u maareynayo dagaalka gobolka Tigreega, iyo qalalaasaha biyo xireenka.
Xaaladaha suurtagalka ah
Maqaal kusoo baxey jariidada Al Caraby Al-Jadeed, oo xarunteedu tahay magaalada London, ayaa lagu soo bandhigay afar xaaladood oo suuragal ah, oo ka imaan kara colaadda haatan ka aloosan Itoobiya, iyadoo la eego dadaaladda caalamiga ee dhexdhexaadinta ah iyo kuwa gobolka, ee sii liicaya. Itoobiya ayaa gashey marxalad xasillooni darro ah, iyadoo kolkii hore u taagneyd tusaale ku dayasho mudan dhanka Bariga Afrika, marka la eego horumarka iyo barwaaqada.
Dhacdada koowaad, waa guusha ay gaareen jabhadda xoreynta ee dadka Tigreega iyo xulafadooda, tani waxey la macno tahay iney galaan magaaladda caasimadda ah ee Addis Ababa, oo ay afgambiyaan xukuumadda Abiy Axmed, iyadoo ay jirto suurtagalnimadaasi, haddana waxaa la leeyahay ma badna.
Midda labaad, waa Abiy Axmed, oo si nabad gelyo ah ku wareejiya xukunka Itoobiya, tani waa waxa uggu wanaagsan ee ay maqli lahaayeen jabhadda Tigreega iyo xulafadooda.
Midda saddexaad, waa in xukunka ay ciidanka ka tuuraan Abiy Axmed, laakiin afgambiga ay ku dhaqaaqaan ciidanka ma xalin karo dhibaatada, balse waxa ay dhibaatada kasii dari doontaa marka ciidanka laftiisu kala qeybsamo.
Marka laga hadlayo dhacdadii ugu danbeysay, oo ah xasilinta jiidda hore ee dagaalka, uu ra’iisal wasaare Abiy Axmed kula jiro falaagada Tigreega, kiiskan waxaa laga yaabaa Tigreegu baadi gooban maamul dowladeed nooca la yiraahdo “Confederal”, oo macnihiisu yahay dowladda hal maamul leh, haddana kala madax bannaan, iyo sidoo kale iney Tigreegu Itoobiya inteeda kale madax bannaani ka qaadato. Maxamed Abul Xasan, oo katirsan dadka indha indheeya Internet-ka Masar, ayaa ka hadlaya saameynta uu ku yeelan karo dagaalka haatan ka socda Itoobiya biyo xireenka.
“Dabcan, natiijada kasoo baxda dhacdada Itoobiya waxey saameyneysaa xasilloonida Geeska Afrika, iyo danaha istaraatiijiyadeed ee dalka Masar,” ayuu yiri Maxamed Abul Xasan.
Wuxuu aaminsan yahay ra’iisal wasaare Abiy Axmed, haddii ay mucaaradku ka guuleystaan, iney xukunka ka qaadayaan. Xaalku waxaa ku xiran yahay laba arrimood: midda koowaad, waa in lasii wado wadahadalada, si aan maamulka cusub looggu eedeyn khiyaano, ama inuu u dabcay maamulka Qaahira, taasoo ah tan inta badan la rajeynayo. Heshiis wadajir ah oo dhaxalgal noqda, kaasoo la wada maamulayo biyo xireenka,iyadoo la tixgalinayo walaaca Masar iyo Sudan.
Waxa uu intaa ku darey Maxamed Abul Xasan, in xaaladda saddexaad iney tahay in lagu sii jiro dhibaatada ka dhex aloosan dhinacyada ku diriraya Itoobiya, iyadoo aysan macno yeelan doonin midkoodna, sidaa daraadeed wada hadalada biyo xireenka ay istaagaan, hawsha dhismuhuna sii socoto. Marka dabadeedna wax waliba ay isku cakirmaan.
Waxa uu intaa ku darey khabiirka in xaaladda sii xumaaneysa ee Itoobiya, mid si xooggan saameyn ugu yeelan doonto biyo xireenka, taasoo fursad dhab ah u noqon karta Masar, si ay tabaha ay ciyaareyso ay u badasho, si wadiiqo kale ay ugu marto danteeda, iyo cid kale oo daneyneysa arrinta biyo xireenka.
Dhaleeceynta siyaasadda Abiye Axmed
Qaar badan oo kamid ah qorayaasha Masar, ayaa isla xiriirinaya qaabka xaaladda uu ku wajahay ra’iisal wasaare Abiy Axmed dagaalka gobolka Tigreega, iyo sidoo kale ismaandhaafka biyo xireenka weyn ee Itoobiya, taasoo ay qeyb ka yihiin Masar iyo Sudan.
Khabiir kale, oo layiraahdo Imad Al-Din Hussein, oo wax ku qorey wargeyska Al-Shorouk Al-Masryah, ayaa sheegay in haatan wixii ka danbeeya ay tahay in lala macaamilo ra’iisal wasaare Abiy Axmed, oo uu ku tilmaamey cadow khatar ku ah dadkiisa, iyo dhammaan qaaradda Afrika, gaar ahaan Masar iyo Sudan.
Qoraa Imad, ayaa ku sababeeyey hailsta Abiy,” nin ku faanaya in qeyb kamid ah dadkiisa uu ku aasayo dhiigooda, oo aan ka waan toobeyn inuu duqeeyo biyo xireen u adeegaya dadkiisa, ugu danbeyna kamana baaqsan doono isku dayga quusta ee uu ku doonayo inuu haraad u dilo dadka Masar iyo Sudan”.
Isaga oo dhinac kale ka duulaya, Qoraa Imad, ayaa tilmaamey in qaar kamid ah Carabta Masaarida ah uu khiyaamey Abiy Ahmed, markii uu qabtey talada dalka Itoobiya, iyadoo ay haatan lasoo daristey ceeb iyo qoomamo, markii ay xaqiiqsadeen in hoggaamiyihii balan qaadey inuu ku faafinayo Afrika nabad iyo dimuqraadiyad inuu lasoo baxey waji aan wanaagsaneyn oo niyad jab leh.
Ibrahim al-Bahi, oo wax ku qorey wargeyska Egyptian Al Ahram, ayaa aaminsan in haatan dagaalka socda ay galin karto xaalad kale, oo ka halis badan waxa jira, taasoo caasimadda Itoobiya ay gacanta ku dhigi karaan mucaaradka, markaana ay Itoobiya ku dhacdo god dheer.
Wuxuu intaa ku darey in dhacdooyinka is daba joogga ah iney muujinayaan xaqiiqada jirta, taasoo ah taliska Abiy Axmed inuu wajahayo caqabado waa weyn iyo qalalaase sharci darro ah, marka loo eego dambiyadii laga galey gobolka Tigreega.
Dabadeed wuxuu is weeydiinayaa, in dowladda Itoobiya ay qaab cusub ula macaamili doonto dowladda Masar, mise isla qaabkii aan is badalka laheyn, ayaa sii socon doona, iyadoo dhibaatadu halkeeda kasii taagnaaneyso, waa tan biyo xireenkee, taasoo caqabad weyn ku noqon doonta mustaqbalka xiriirka Masar iyo Itoobiya, halka Itoobiya aaney muujineyn marnaba dabacsanaan.
Qoraagu waxa uu rajo ka muujiyey in Itoobiya ay Masar ula macaamili doonto qaab cusub, taasoo meesha ka saareysa wajiga qalafsanaanta, io madax adeega labadd dal kala fogeeyey sanadihii u dambeeyey.