Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin iyo wada-hadal.
Wasiir Gallan ayaa sheegay in dowladda Puntland diyaar u tahay xabbad-joojin iyo wada-hadal si loo dhammeeyo xiisadda dagaal ee ka aloosan Boosaaso.
Cabdisamad Gallan ayaa tilmaamay in dowladda ay xiriir la soo sameeyeen dad kala duwan oo Isimo iyo culimo ku jirto islamarkaana ka codsadeen in xabbada la joojiyo oo wada-hadal lagu xalliyo is-marin-waaga taagan.
Dhinaca kale wuxu dagaalka ku eedeeyay ciidamada taabacsan Agaasimihii xilka qaadista lagu sameeyay ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.