Madaxweynaha waddanka Ruushka Vladimir Putin ayaa waxa uu ugu baaqay reer Galbeedka inay si degdeg ah ku siiyaan damaanad amni si loo dajiyo dhibaatada ka dhalatay ciidammada milateriga Ruushka ee lagu daabulayo xuduudda Ukraine.
“Waa idinka cidda ay qasabka ku tahay inay ina siiyaan damaanad, oo weliba aad si degdeg ah ku bixisaan, haatan,” ayuu ka yiri shirkiisa jaraa’id ee sanadlaha ah.
Mr Putin ayaa dalbaday in Nato ay joojiso dhaqdhaqaaqyada milateri ee ay ka waddo Bariga Yurub sidoo kalana aanay Ukraine siin xubin ay isbahaysigaasi uga mid noqonayso.
Waxa uu ku hanjabay tallaabooyin milateri hasayeeshee waxa uu iska fogeeyay inuu qorshaynayo in ciidammadiisu ay galaan waddanka Ukraine.
Saraakiisha ammaanka ee Ukraine ayaa sheegay in in ka badan 100,000 oo ciidammada Ruushka ah la soo tubay meel u dhaw xuduudooda, Mareykankuna waxa uu ugu gooddiyay Mr Putin inuu ku soo rogi doono cunaqabatayn “uusan weligii hore u arag” haddii uu weerraro Ukraine.
Hogaamiyaha Ruushka ayaa sheegay in tallaabooyinka milateri aanay ahayn waxa uu doorbidayo waxa uuna qeexay rajada uu ka qabo wadahadallada la filayo horraanta sanadka soo socda uu Geneva kula yeelan doono Mareykanka, waxaana uu intaasi ku daray: “Kubaddu dhinacooda ayey jirtaa, waana qasab inay jawaab na siiyaan.”
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK, Liz Truss, ayaa sheegtay inay soo dhawaynayso in dhab ahaantii Moscow ay “tilmaantay inay danaynayso inay bisha Janaayo gasho wadahadallo”, hasayeeshee waxa ay ka digtay in weerrar kasta oo Ruushka ka yimaado lagaga hortegi doono cunaqabatayn saamayn xun ku reebi doonta dhaqaalaha Ruushka.
Madaxweyne Putin ayaa horaba u dhigay “khadad casaan ah” oo dhanka Ukraine yaal, wuxuuna hiyin kacay markii shalay oo Khamiis ah wax la waydiiyay haddii uu damaanad qaadayo in aanay jiri doonin wax xoog ah oo uu dalkaas ku geli doono.
“Maynaan tegin xuduudaha Mareykanka ama UK, maya, iyagaa yimid xadduudahayaga” ayuu yiri, isagoo Nato ku eedeeyay inay Ruushka ku khiyaantay shan mowjadood oo isballaarin ah tan iyo 1990-yadii.
Liis dalabaad ah oo uu Ruushku soo bandhigay todobaadkii hore ayaa waxaa ku jiray in Ruushku uu doonayo in Nato ay dib ugu gurato halkii ay joogeen 1997, dalabkaas oo aanay ka gorgortamayn Poland, wadammada Baltic-ga iyo dalalka kale ee Bariga Yurub kuwaas oo ku biiray isbahaysiga milateri ee difaaca reer Galbeedka.
Ruushka ayaa 2008-dii waxa uu xoog ku galay waddanka Georgia, kaddibna waxa uu 2014-kii Ukraine ka qabsaday Crimea, Moscow-na waxa ay raadinaysaa damaanad ah in labadaasi dal midkoodna aan loo ogolaan in Nato uu ku biiro.
Ciidammo dheeraad ah ayaa la geeyay Crimea waxaana lagu wadaa in dhoolla-tus milateri uu dhawaan halkaasi ka dhaco. Jarmalka ayaa walaac ka muujiyay dhaqdhaqaaqyada ciidammada Ruushka waxaana uu sheegay in wadahadal uu “haatan asaasi u yahay in la isku dayo in la dajiyo dhibaato wayn”.
Dalalka Baltic-ga ee Lithuania, Latvia iyo Estonia ayaa sidoo kale ka cabsi qaba milateriga Ruushka ee la soo daabulayo iyadoo madaxweynaha Lithuania Gitanas Nauseda uu xaaladda taagan ku tilmaamay “middii ugu halista badneyd ee uu arkay muddo 30 sanadood ah”.
Xoghayaha Guud ee Nato Jens Stoltenberg ayaa todobaadkan sheegay inuu sidoo kale rajaynayo wadahadallo lala yeesho Ruushka horraanta sanadka soo socda hasayeeshee uu ku adkaysanayo in xubbinnimada Ukraine ee isbahaysiga ay u taal Nato iyo Kyiv: “Wadahadalkasta oo lala galayo Ruushka waxaa qasab ah in lagu ixtiraamo mabaadii’da asaasiga ah taas oo sal looga dhigay ammaanka Yurub.”
Walow xiisad culus ay ka taagan tahay xadka Ukraine, heshiiskii xabbad joojinta ee 2020-kii ayaa laga cusboonaysiiyay bariga dalkaas.
Kooxaha goonni-ugoosadka ee uu Ruushku baritaaro ayaa 2014-kii qabsaday dhul ballaaran oo ka tirsan bariga waxaana ay tan iyo markaas dagaal kula jireen milateriga Ukraine.
Madaxa shaqaalaha madaxtooyada Ukraine Andriy Yermak ayaa amaanay heshiiskaas ay garwadeenka ka aheyd hay’adda OSCE ee Yurub ammaanka u qaabilsan isagoo ku tilmaamay tallaabo loo qaaday sidii xiisada loo qaboojin lazhaa.
In ka badan 14,000 oo qof ayaa lagu dilay colaadda halkaas ka taagan muddada todobada sanadood ah. Walow dagaalka ballaaran ah uu dhammaaday 2015-kii, haddana iskudhacyada ayaa sii socday iyadoo July 2020 la gaaray xabbad joojin loogu talagalay in dhibaatada lagu soo afjaro.
Waxaa dhawaan sare u kacay xadgudubyo ka dhan ah xabbad joojinta, iyadoo saraakiisha gaashaandhigga ee Kyiv ay Ruushka ku eedeeyeen in 122,000 oo askari uu u soo diray 200km oo ku teedsan xuduudaha Ukraine. 143,500 oo askari oo dheeraad ah ayaa waxa ay saldhig ka dhigteen 400km, waa sida ay saraakiishaasi sheegeene.
Gelinkii dambe ee Arbacadii labada dal iyo fallaagada uu Ruushku baritaaro ayaa waxa ay xabbad joojinta kula heshiiyeen Hay’adda Ammaanka Yurub u qaabilsan ee OSCE. Hay’addan ayaa qorshaynaysa in laga hortago colaad lana xalliyo dhibaatada, iyadoo howlgal dhaqdhaqaaqa la socda ku leh bariga Ukraine.
Safiirka OSCE Mikko Kinnunen ayaa amaanay heshiiska kuna tilmaamay mid muhiim ah xilli dadka dhaqdhaqaaqyada la socda ee hay’adda ay diiwaangeliyeen wax shan jeer ka badan oo bishan lagu xadgudbay xabbad joojinta markii la barbar dhigo bishii Diseembar ee sanadkii hore.