Hooyo Soomaaliyeed oo qalliin xameetida looga sameeyey isbitaal ku yaalla ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa looga soo saaray boqolaal dhagax, qalliin qaatay saacado, sida ay BBC-da u sheegeen dhakhaatiirtii fulisay qalliinka.
Bukaanka ayaa qalliinkaasi looga sameeyey Isbitaalka weyn ee magaalada Filtu ee Dowlad Deegaanka Soomaalida kaddib markii ay in mudda ah la ildarnayd xanunkaasi.
Hooyada bukaanka ah ee dhagaxaanta laga soo saaray oo lagu magacaabo Xaliimo Axmed Ducaale oo BBC u warrantay waxay sheegtay inuu xanuunkan muddo lix sana ah hayey xanuun aad u badanna uu ku hayey.
“Xanuunka marhore ayuu igu billawday muddo hadda laga joogo 6 sano, mowliidkii hadda la soo dhaafay ayuuna igu saa’iday xanuun badanna wuu igu hayey, haddana waa la iga qalay xanuunka qalliinka ayaa i haya mooyee xaaladdeeyda aad ayey u fiican tahay waana caafimaaday ilaahey ayaan ku shukrinaya dhakhaatiirti qalliinka igu sameysayna ilaahey ha garab galo ayaan leeyahay waana u duceynayaa,” ayey tiri Hooyo Xaliimo Axmed Ducaale oo ah bukaanka qalliinka lagu sameeyey.
Maareeyaha Guud ee Isbitaalka Fiiltu Dr Feysal Mowliid C/llaahi ayaa BBC uga warramay qalliinka bukaankaasi lagu sameeyey iyo sida uu dhacay.
“Hooyadan waxay isbitaalka u timid xanuun xagga hoose ee feeraha ay ka dareemeysay oo ay sheegtay inuu marweliba uu ku sii saa’idayey, isbitaalka marka ay timidna ay u direen baaritaan guud kaddibna ay ogadeen inuu hooyadan ay ka xanuunsaneyso xameetida oo dhagaxaanna ay kaga jiraa.”
“Dhakhtarka takhasusukiisu yahay qalliinka ayaa go’aan ku gaaray in hooyada qalliin la geliyo isaga oo ka duulayo natiijada baaritaanka. Qalliinka oo qaatay muddo saacad ahna waxaa xameetida looga tagay dhagaxaan xameetida buux dhaafiyey.”
Dr Feysal wuxuu intaasi ku daray qalliinka hooyada bulakaanka ah lagu sameeyey iney kala kulmeen wax ay horay ugu arag bukaannadii ay horay xameetida uga qali jireen:
“Xameetida hooyada waxaan ugu tagnay dhagaxaan badan qalliinka kaddib marki aan tirinnayna tiradoodu waxay gaarayaan 176 dhagax oo waaweyn iyo yaryarba isugu jira. Kiisaska noocan ah waan la arki jirnay balse qallinnadi hore oo aan sameyn jirin iney weli ku arag dhagaxaan ay tiradooda intaa le’eg tahay in bulkaan laga soo saaro, balse xaaladda caafimaad ee hooyada wey wanaagsan tahay” ayuu yiri Dr Feysal Mowliid C/laahi Maareeyaha Guud ee Isbitaalka Fiiltu oo BBC u warramay.
Dr Feysal Mowliid wuxuu sheegay xanuunka noocan in loo aneeyo sababo ay ka mid yihiin sida da’da qofka, qofba buuran ama hilibka leh, dadka leh beer subagga ah (cholestrol), taasoo timaaddo dhacaankii dheef shiidka ka shaqeyn lahaa marka uu fariisto sidaana dhagax uu noqon kara.
Waxaana looga hortagi karaa ayuu yiri qofka oo jimicsi joogta ah sameeyo xaaladdiisa caafimadna marwalba la socda dufanka badan uu qofka isticmaalayana uu yareeyo isaga oo xaaladdiisa caafimaad la soconayo.
Isbitaalka Fiiltu ee deegaanka Soomaalida ayaa wuxuu ka mid yahay isbitaalada heer gobol ee ugu waaweyn deegaanka Soomaalida wuxuuna marar badan u ukaalinta ugu horreysa uu ka galay xagga tayada adeeg bixinta.