Gudiga diiwaan gelinta ururada siyaasadda Somaliland oo la magacaabay

astaanta somaliland

Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay gudiga diiwaan gelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta.

Gudigan oo ka kooban todoba xubnood ayaa hawshoodu noqonaysaa in ay arjiyada codsiga ah ka qabtaan ururada siyaasadeed ee doonaya in ay u tartamaan ka mid noqoshada xisbiyada siyaasadda Somaliland oo tobankii sanoba mar ay soo baxaan saddex xisbi.

Gudiga ayaa waxa kakale oo ka mid ah hawshooda in ay eegaan ururada codsiyada u soo gudbiya kuwooda buuxiya shuruudaha sharcigu dhigayo, ka dibna siiya shahaado ku meel gaar ah oo loogu aqoonsanayo in ay yihiin ururro siyaasadeed oo xaq u leh in ay galaan tartanka doorashada ee ay ku kala baxaan ururradaasi.

Hase ahaateen doorashada ay ururadaasi ku kala baxayaan ee ay shacabku codkooda ku dhiibanayaan waxa qaban qaabin doonta oo muddaysa gudiga doorashooyinka Somaliland.

Saddexda xisbi ee ugu codka bata ayaa ka dib xeerku u aqoonsanayaa in ay noqonayaan xisbiyo siyaadadeed, ka dibna ku tartamaya hogaaminta Somaliland iyo guud ahaan ba siyaasadda muddada tobanka sannadood ee soo socda ah.

Saddexda xisbi ee haatan jira oo kala ah Xisbiga Waddani, Xisbiga Kulmiye iyo Xisbiga UCID, ayaa ruqsadoodii ay ku ahaayeen xisbiyada waxay ku eegtahay bisha Diisember ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here