Qalabka beenta lagu ogaado oo lasii casriyeeyay

qalabka beenta

Prof Yael Hanein ayaa dhanka bidix ee wejigayga ku dhejinaysa qalab electariinik ah oo lagu ogaado qofka beenta sheegaya.

“Indhahaaga dhaqaaji, libiqso, dhoola cadey, isku day inaad nasato,” ayay tiri. “waqti dhaw waxaan kala ogaan doonaa inaad tahay qof wanaagsan ama qof beenaale ah.”

Prof Hanein iyo saaxiibkeed Prof Dino Levy ayaa hoggaaminaya koox ka socota jaamacada Tel Aviv ee Israel kuwaasi oo soo saaray hab cusub oo lagu ogaanayo qofka beenta sheegaya.

Waxay sheegeen inay aqoonsadeen laba nooc oo ay u dhaqmaan dadka beenaalayaasha ah – kuwa iskood u dhaqdhaqaajiya sunnayaasha marka ay hadalka sheegayaan, iyo kuwa aan xakamayn karin dhaqdhaqaaq faruurahooda .

Barnaamijkoodan kumbuyuutarka ku shaqeeya ayaa hadda ogaan kara 73% qofka beenta sheegaya waxayna ku talo jiraan inay sii horumariyaan si ay u sahlanaato ogaanshiyaha dadka beenta sheegaya.

“Marka aad isku daydo inaad qariso beenta, mid ka mid ah waxyaabaha aad isku daydo inaad iska ilaaliso waa nooc kasta oo falcelinta jirka ah,” ayay yiri.

Prof Levy waxay intaa ku daray: “Laakin aad iyo aad bay u adag tahay inaad beenta ku qariso farsamadan.”

Hababka lagu ogaado beenta iyo farsamooyiinka la adeegsado ayaa laga yaabaa in ay soo jireen muddo dheer.

Mid ka mid ah tusaalooyinkii ugu horreeyay ee la diiwaangeliyay wuxuu ka yimid Shiinaha, markaasi oo qofka laga shakiyo afkiisa laga buuxin jiray bariis qallalan.

Marka uu qofka muddo uu afka ku hayo bariiska ayaa la egayaa islamarkana haddii uu bariiska qalalnaado waxaa marka la go’aaminaya in uu yahay qof beenaale ah.

Farsamadan ayaa waxa ay ka dhigan tahay in haddii qofka uu been sheegayo jirkiisa laga dareemayo naxdin iyo qalqal islamarkana uu afka qalalayo.

Horraantii qarnigii 20-aad ayaa la curiyay mashiintii ugu horeeysay ee lagu ogaanayo qofka beenta sheegaya.

Qofka looga shakisan yahay in uu been sheegayo ayaa marka uu su’aalaha ka jawaabayo waxaa faraha, gacmaha iyo jirka loo galinayaa qalab lagu cabiranayo heerka neefsashada qofa, heer-kulka dhiiga.

Waxaa jira dood iyo walaac laga qabo sax ahaanshiyaha waxyaabaha ay sheeegto mashiintan iyo in la khayaani karo mararka qaar.

Cilmi-baarayaasha iyo shirkadaha dhanka tiknoolajiyada ayaa ka shaqeeynaya sidii loo sii hormarin lahaa qalabka lagu ogaado in qof uu been sheegayo iyo in kale.

Jaamacadda Erasmus ee Rotterdam, ee dalka Netherlands, Dr Sebastian Speer iyo khubaro kale ayaa waxay isticmaalaan mashiinta loo yaqaano MRI ee sawirta jirka qofka in ay ku ogaadaan qofka beenta sheegaya iyo qofka wax khiyaanaya.

Marka ay qofka galiyaan mashiinta waxay eegayaan midibka maskaxda oo is badala marka uu qofka su’aalaha ka jawaabayo.

“Dhab ahaan waxaan aragnaa meelo [maskaxda ka mid ah] oo si xoog leh u shaqeynaya [o iftiiminta sawirada ay qabanayaan] marka u qofa isku dayo inuu been sheego ama uusan daacad ahayn,” ayuu yiri Dr Speer.

Mid ka mid ah nidaamka lagu ogaad beenta ee tignoolajiyada waa waxa loo yaqaano EyeDetect oo oo ah qalab ay adeegsato shirkad fadhigeedu yahay Utah ee Converus.

Waxaa si aad ah loo eegayaa oo diiradda la saarayaa dhaqdhaqaaqa indhaha qof si loo ogaado in uu been sheegayo iyo in kale.

Mawduuca waxaa la waydiiyaa inuu ka jawaabo tiro run ama been ah, ama haa iyo maya, su’aalo. Markay sidaas samaynayaan, software-ka isha ku haya waxay daawadaan oo daraaseeyaan jawaabahooda.

Mashiinta ayaa marka qofka lagu xiro waxaa qofka la waydiinayaa su’aal islamarkana marka uu ka jawaabo su’aasha ayay mashiinto sheegaysaa in jawaabo ay run tahya iyo in ay been tahay.

Dalalka qaar ayaa mashiintan waxaa xitaa loo adeegsadaa kiisaska al xiriira dambiyada si loo ogaado in qofka dambigaasi looga shakisan yahay uu yahay dambiile iyo in kale.

Tusaale ahaan, gobolka California ee dalka Mareykanka waxaa qalabkan lagu ogaado beenta loo adeegsada maxkamadaha iyo kiisaska dambiyada la xiriira.

Christopher Burgess oo ah sarkaal hore uga tirsanaa laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa ka digaya in mashiinada lagu ogaado beenta aan loo arkin inay yihiin kuwa wax walba lagu ogaan karo si loo cadeeyo in qofka uu dambiile yahay ama uusan ahayn.

Markaan dib ugu soo laabano Jaamacadda Tel Aviv, cilmi-baarayaashu waxay rajeynayaan in qlabkan ugu dambeyntii lagu bedeli doono kamarooyiin iyo softwaro awood u leh inay qofka beenaalaha ah meel fog ka ogaadaan iyada oo la eegayo dhaqdhaqaaqa jirkiisa.

“Bangigiyada, su’aalaha baaritaanada booliiska, baaritaanada garoomaha diyaaradaha ama wareysiyada shaqada ee internet-ka, kamaradaha tayada sare leh ee loogu talagalay inay aqoonsadaan dhaqdhaqaaqa murqaha wajiga waxay awoodi doonaan inay sheegaan run iyo been waxa uu qofka sheegayo,” Prof Levy ayaa tiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here